Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Ameerika- Sharci Cusub Oo Tilmaamaya In Ninkii Ballan Guur Kaga Baxa Gabar la Ciqaabaayo

Monday - January 30, 2017


Waxaa dhawaanahaan dalka Mareekanka laga soo saarayey Qawaaniin iyo sharciyo muran badan dhalinayey oo xiiso badan u yeeshay warbaahinta adduunka oo si weyn u qaadaa dhigtay, waxaa lashaaciyey in dalkaasi Maraykanka lagaga dhawaaqay sharci cusub oo adag oo jidaynaya ciqaab culus oo ay mudan doonaan gaar ahaan raggu oo ah in tallaabo adag laga qadi doono nin kasta oo isku daya in uu ballan guur kaga baxo haweenay uu shukaansanayay muddo ama si kale haddii aan u dhigno nin kasta oo inta uu gabar u ballan qaaday guur haddana ka soo bixi-waaya oo kaga baxa ballantaasi.

South Carolina Waa Gobolka ka tirsan dalka USA waxaana dhawaan laga soo saaray sharci sheegaya in lagu xukumi doono ugu yaraan hal Sano iyo wax ka badan oo xabsi adag ah oo aan cafis ama iib lahayn kaasi oo lagu ridi-doono ragga ballanta guur kaga baxa gabdhaha ay shukaansadaan isaga oo sharcigani gaar ahaan qaban-doona xataa dhallinyarada ragga ah ee da’doodu aanay dhaafin 16-jirka kuwaasi oo inta ay gabdhaha yar-yar shukaamiyaan una ballan qaadaan in ay guursan doonaan haddana isaga dhaqaaqa oo mid kale u wareega.

Markii haddaba sharcigan cusubi soo baxay isla markaasna muran badan ka dhashay, gabadhaha kasoo jeeda dalalka carabta ayaa si weyn usoo dhaweeyey sharcigan iyagoo fikradahooda soo dhigay baraha xiriirka bulshada, waxayna dalbadeen in si rasmi ah ay sharcigan u qaataan dowladaha Carabta kadib markii ay sheegeen inay ku badatay ballanta beenta ah oo ay ragga da’da yari u dhigaan hablaha oo haddana ay markaaba kaga baxaan.
Dadka qaar ayaa ku dooday in sharcigani uu fiican yahay, balse ay lagama maarmaan tahay in Ganaaxiisa wax laga badalo oo laga dhigo inuu qofku bixiyo lacag ganaax ah oo u dhigma inta maalmood ee uu gaarayo xiriirka jaceyl ee kala dhaxeeyey qofka uu ballanta kaga baxay oo la soo yareeyo xabsiga u dhaxeeya sannadka illaa labada sano ee xiriirka ah oo ay rag badan oo dhallinyaro ahi u arkaan ciqaab adag.
Dalal badan oo Carbeed ayay aad ugu soo badatay in gabdhaha lagaga baxo ballan qaadyada guur ee raggu u sameeyaan taasi ayaana keentay in haween badan oo warkan ka akhristay warbaahintu ay ku doodaan oo baraha xiriirka bulshada ku baahiyaan dalabyo ay dalalkooda kaga codsanayaan in ay qaataan sharcigaasi oo kale oo ay ku daydaan Maraykanka. 
Bishii koowaad ee aan soo dhaafnay ayuu sharcigani si rasmi ah uga dhaqan galay Gobolka Koonfurta Carolina ee carriga Maraykanka waxaana laga yaabaa in uu noqdo sharci guud ahaan heer Federaal lagaga dhaqmo dalkaasi Maraykanka.