Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Tanade Waa Gob, Gobna Waa Lagu Dhex Noolaada .. Madal Kulmisay Labeenti Jaaliyada Beesha Tanade Daarood Ee Nairoobi-Kenya Iyo Go'aan Qaadasho Ay Ka Sameyen Shirkaas Xasaasiga Ahaa

Sunday - January 15, 2017


Bismilaahi Waa Erey hadal lagu bilaabo .. Todobaadkaan iyo maalinti calendar-ka ee bishu ahayd 15kii January 2017-ka, waxaa hotelka Habka weyn ee la yiraa Nomad lagu qabtay kulan doceed iyo madal kulmisay odayaasha, waxgaradka dhaqan gobedka leh ee ka beermay faraca beesha Tanade Darood ee ku sugan Caasimada Nairobi.

Shirkaas oo runti xasaasi ahaa waxaa goobta soo camiray wajiyaal niyad-saman iyo yididiilo badani ka muuqato, iyadoo maamuuska goobtaas ahayd muuqaal wanaagsan iyo jawi farxad leh.

Goobta shirka waxaa isugu yimid inta badan odayaasha iyo wax-garadka beesha ee ku sugan Nairobi, hasa yeeshe waxaa iyagana shirkaa si goob jooga uga qaybgalay qurba joog ka kala yimid qaarada waqooyi ameerika iyo Yurub .. inti aan aragti hore isku lahayn waxay isku qaabilayeen waji-furnaan iyo laab-fiyoobi, iyado inti istaqaaneyna waxay isku muujiyeen hilow iyo boholyow.

Madashaan oo ahayd isla tii labaad oo bishaan gudaheeda jaaliyada Nairobi dhigato, iyado bilawgi hore madashi kowaad u soo abaabulay isla markaana kulankaas isku daba riday Caalimka caan baxay Al- Digtoor Shiikh Cabdi-Samad Cabdille Geesood oo isagu socdaal ku ahaa Nairobi .. Digtoorka ayaa shirkaas si aftahanimo ugu xabeebsaday khudbado iyo warbixino u ku dheeraaday kuna saabsanaa in nafta lagu edbiyo sharciga alle, iyo is xasuusinta qabriga iyo qiyaamaha, abaaraha na duqeeyey, roobka curan-waayey, tahriibka xargaha goostay, wadanka la xaraashay, ololihi doorashadda Garowe iyo xaaladaha dareenka dadka iyo dalka, waxuu guud ahaan shiikhu dulmaray in somaliya ay afka saartay waqtiga loogu yeero dayaca( additional time) waxuu kalo sharaxaad ka bixiyey gedo-gedeynta siyaasadeed ee xaalka Somaliya iyo guud ahaan axwaasha la xariirtay degaanada puntland.

Isla markaa iyadoo laga ambaqaadaayo warbixinadi iyo falaaqeynti dib boorka looga jafay iyo doodihi u jilba dhiga shirkaas madasha ereyadi la isku dhaafsaday, waxaa si gaara oo cilmiyeysan loogu lafa guray afkaar iyo Aaraa ku sal eh u hiilinta iyo daba-qabateynta midnimada beesha, taaso ugu dambeynti shirkaas gabagabadiisi waxaa si gobonimo ah iyo gunaanadkii la isla qaatay qodobo guud oo ay ka mid yihiin in danaha beesha meel looga soo wada jeensto oo waliba la isla raadsho, isla markaa la helo mushkiladda meesha ay ka soo burqaneyso iyo in la helo talada ugu dhaw ee wax lagu qaban-karo .. qodobadaas oo dhami waxay ku fadhiyaan dib u soo noleyn horumarka iyo midnimada beesha iyo dib dambe dhagax aan bislaaneyn inaan bulshada loo karkarin.

Jaaliyada oo Arimaha Ajeendada shirka qodob-Qodob u lafa-gureysay, waxaa markaan la isla meel dhigay in Qodobka Midnimada daxalka fuulay laga qaado, oo isagu wax-walba oo horumar leh laf dhabar u ah, waxaa la isla qaatay in qaabka aynu u fakarno iyo dabeecadaha qaarkood ee lagu dhaqmo la badalo, isla markaana siyaasiga beesha Aanu bulshada hub uga dhigan reereysiga, laakiin u cilmi iyo horumar hub uga dhigo ..  waxaa la isla qaatay in waxa ugu fiican ee laga xoroobo ay tahay xaga Maskaxda, meel la iska guumeystana ay tahay Maskaxda .. go'aankaas midnimada la isla qaatay, waxaa lagu wargalinaayo qofkasta oo shaki dhaansan.
Waxaana isla goobta lagu magacaabay guddi soo habeeya xeerar gaara iyo sharciyo lagu shaqeeyo oo ay ka duulaan guddiga jaaliyada una yeela baalal ay hawsha ku meel-mariyaan.
 
Waxaa la isku raacay in midnimo la'aanta ay tahay wax la eeday, mana jiraan wax laga soo dheefay oo aan ceeb ahayn .. Tanade cid mideysa ayuu u baahan-yahay ee cid jufo-jufo ugu abtiirisa uma baahna, uma baahna reerku in la miiq-siibo sida basasha.

Odayaasha Iyo Wax-garadka Jaaliyada Ee ka soo qayb-galay madasha Shirka:
1- Muuse Saciid ( Muuse Dhagey) Gudoomiyaha Jaaliyada
2-Cabdirashid dhadin ..... Guddomiye ku xigeenka Jaaliyada
3-Cabdirisaak Ashkir Muuse ..    Xoghaynta Guddiga Jaaliyada
4- Faarax Maxamed Jenihaar ..  Xubin
5- Cabdisalam Yuusuf Dhagey .. Xubin
6- Cabdrisak Aadan Cigaal ....     xubin
7-Rabiic Cabdikarim Xirsi ......     xubin
          Waxaa kalo Shirka ka Soo Qaybgalay:
8- Dr. Aadan Ugaas Maxamed
9- Abdirisak Abdi Wardheere
10- Dr. Raage Cabdulqaadir Maxamuud ( Marshale)
11- Xasan Shire Geesood
12- Cali Cabdi Xirsi
13-Cabdirisak Cafi Axmed
14- Maxamed Faarax Cali
15- Maxamed Maxamuud Cilmi (Qurux)
16- Dr. Cabdixamiid Shiikh Ibrahim Axmed
17- Cali Warsame ( Cali Kombe)
18- Cabdikarim Aden Caamir
19- Maxamed Axmed Af-cad
20- Cabdirisak Gadlaa
21- Axmed Cabdulqaadir
22- Maxamed Calixaashi Maxamuud ( Cadaawe)
23- Maxamed Axmed Adan ( Garweyne)
24- Cabdirisak Cali