Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Adis Ababa- Hogaamiyaasha Dawlad Goboled-yada Somaliya Ee Horay Ugu Shiray Adis-Ababa Oo Runta Loo Sheegay

Saturday - December 24, 2016


Adis-Ababa- Warar xog daahsoon ah oo lagu qanci-karo oo ka soo booday xagaa iyo addis-ababa ayaa tilmaamaya in hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada ee horay ugu shiray magaaladaas lagala hadlay arrimaha xasaasi ah oo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya, iyo gaar ahaan go'aan qaadashada shakhsiga madaxweynaha noqonaaya marxaladda soo socota 

Wararka ayaa sheegaya in masuullinta dawladda Itoobiya ay horay ugu yeertay xubnahan si ay codkooda ugu taageeraan Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud, taaso ay ku sababeyeen in doorosho madaxweyne cusub ay keeni karto xanuun aad u daran iyo dibu dhac horleh oo ku yimaada jawiga deganaashaha siyasada dalka somaaliya .. warka ayaa intaa raaciyey in Raiiisal wasaaraha itoobiya iyo wasiirkiisa arimaha dibada ay ka qayb galeen shirkaas oo si cad loogu bandhigay aragtida ay qabto itoobiya

Isla markaa waxaa la sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan laga codsaday in uu codadka Xildhibaanadiisa ku wareejiyo Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo balan qaad la siiyey in Raiisul-wasaaraha cusub loo magacaabo shaqsi uu raali ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sida la ogyahay hogaamiyaashaas si runa maskaxdooda uma qaramoobin mana laha wax ay wadaagaan oo si wada jira ah danta guud ugu tuugsadaan, balse mid waliba dhiniciisa ayuu wax ka unkamaya, taa darteed lama garanayo qorshahan loo soo jeediyey siday uga hirgalin-karaan gudaha Soomaaliya,