Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In 24 Xildhibaan Lagu Haysto Dambiyo Wax Is Dabamarin Iyo Musuq-Maasuq

Thursday - December 22, 2016


Warar ka soo shaac baxay xafiiska Qaraamda Midoobay ee Soomaaliya ayaa qorsheynaya in 24 kursi oo lagu eedeeyay inay si musuq maasuq ah lagu soo doortay arrintooda loo gudbidoono gollaha ammaanka Qaramada Midoobay, si go’aan caalami ah looga qaato.

Warsaxaafadeedkii ugu dambeeyay ee kasoo baxa beesha caalamka ayaa madasha qaran guddiga doorashada loogu baaqay inay ilaaliyaan sharciyada doorashada Soomaaliya, iyadoo beesha caalamku sheegtay inay si dhow ula socoto musuq maasuqa hareeyay doorashada.

Xogta la helayo waxay sheegaysaa in xafiiska UNSOM u qoraal u diray hogaamiyayasha madasha qaran iyo guddiga xalinta khilaafaadka iyadoo qoraalkaas lagu dalbanayo in go’aan degdeg laga qaato 24 kursi ee laaluushka loo adeegsaday doorashadooda.

UNSOM waxay ku hanjabtay haddii aan tilaabadaan la qaadin in gollaha ammaanka loo gudbin-doono kuraastaas, iyadoo ay xigto in cuno qabatayn lagusoo rogo shakhsiyaadka ku jira liiska 24 kursi.