Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Korneyl Axmed M.Dalbac Oo Ciidan Hubeysan Iyo Maabkii Dagaal Galinta Kala Soo Baxsaday S/land

Wednesday - Feb 9, 2011

Buuhodle: Sarkaal ka gadooday talaaabada ciidamada Somaaliland aan macquulka ahayn ee la rabo in lagu gumaado dadyawga reer buuhoodle aya la sheegay inu ka soo goostay ciidamadi u ka tirsanaa ee hawlgalada ka fulinaayey aagaas Buuhoodle.

Sarkaalkaas oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed Dalbac ayaa si diiran loogu soo dhaweyey dagmada Buuhodle isaga iyo ciidankii u la soo goostay, waxaana u sheegay mar u dadka la hadlaayey inu isaga yimi ciidankii u ka tirsanaa ma daama u arkay heerka fal-falxumada qaadirada qabyaaladeed iyo dhiirigalinta naf-lacaariga halkaas ka socota ee aan ka tarjumeyn dawladnimada la sheeganaayo

Sarkaalka oo la sheegay inu la soo galay 4 gaadidka hubka ku rakibanyahay iyo 50 askari, ayaa carabka ku dhuftay inu ka garab dagaalami-doono tolkiisa oo gardaro qaawan lagu hayo, isagoo intaa raaciyey inu horay u soo qaatay maabkii holgalinta dagaalka ee ciidamadaas.

Taliska Ciidanka ciidanka Somaaliland arinta sarkaalkaas ciidankooda ka soo goostay wax war ah kama ay soo saarin.