Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Niman Wadooyinka London Ka Gurtay Filooyinka Maarta Oo La Filaayo Iney Lugta La Gasho Rageedi Somali

Saturday - Feb 5, 2011

London-Kumanaan kun qof oo ka mid ah dadka maalin walba adeegsada tareenada dhulka hoostiisa iyo korkiisa mara ee magaalada London ayay maanta iyo shalay soo food syaartey cadibaad iyo xanibaad dhanka safarka ah ka dib markii uu xirmay mid ka mid ah khadadka tareenada kaasi oo la sheegay in tuugo ay xaday fiilooyinka korontada ee wadadaasi tareenada marta.

Haweenay u hadashay laanta tareemada dhulka hoostiisa mara ee magaalada London ayaa sheegtey in koox tuugo ah ay habeenimadii sabtida la baxeen fiilooyinka xargaha korontada ee tareemada khadkaasi mara ay adeegsadaan.

Tuugada ayaa la sheegay inay gurteen fiilooyinkaas maarta ah, iyagoo taasi ula jeeda inay ka helaan maartaas lacag iyadoo xiligan ay maartu qaali ku tahay dunida oo inta badan la geeya magaalada Dubai oo ay joogaan ganacsato dulaalin Somaali iyo Hindi isugu jira, kuwaaso dalkii somaaliya horay uga soo xaalufiyey wax maar la dhaho

Tuugada ayaa fiilooyinka korontada ka qaatay inta u dhaxeysa xarumaha Train station-da ee xaafadaha Highbury & Islington, waxaana tani ay noqonaysaa burcadnimadii ugu dambeysay ee lagula kaco khadadka tareenada magaalada London, kuwaasi oo laga xadey fiilooyinka maarta ah.

Taliska Booliiska waxay kaloo sheegeen in kooxaha tuugada ah ee falkan ku kacay ay u muuqdaan inay daneyneyn naftooda oo ay halis ku gali-nayaan qaadashada fiilooyinkaasi korontada, halisna galin kara naftooda, iyagoo sidoo kale halis ba’an galinaya nafta dadka ku safraya xiliga habeenkii ah khadadka tareenada, waxaanu sheegay in lagu raad joogo tuugada falkaas ku kacday oo meelkasta looga daba tagi-doono