Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Kenya Oo Lagu Qabtay Diyaarad Gaara Oo Masar U Qaadi-lahayd Shixnado Baangado Iyo Seefo Xiiraya

Thursday - Feb 3, 2011

War ka soo soo baxay saraakiil sare oo ka tirsan Boiska kenya ayaa shakhsiyaad Somaali oo dalkaas ku sugan shaaca uga qaaday in todobaad-kaan garoonka dayaaradaha Jomo-kenyaata lagu qabtay shixnado Baangado oo la rabay in la saaro dayaarad khaasa oo u leeyahay Nin maal-qabeen ah oo ka mida masuullinta xisbiga talada haya ee dalkaas masar.

Sida warku u dhacay shixnadaas la qabtay waxaa qama-qaamada rar-kooda ku xuurtysanaa niman isugu jira ganacsato Masaari, dipolomaasiyiin iyo shaqaalo caadi ah oo ka tirsan safaarada Masaarida ee Nairobi, oo iyagu markaas airaborka ku sugnaa, waxaana la cadeeyey in dipolomaasiyiintaas marar badan boliska amniga kula gor-gortameen gacan macaan sidi shixnadaas dayaarada loo saari-lahaa, halkaaso dhux-dhuxda iyo soc-socodka saraakiil sare ka shakiyeen, dabadeedna arinti shixnada hubka halkaas ku kashifmatay .. waxaana warku intaa raaciyey in Dayaaradi ay garoonka ka haaday iyado ku hungooday raritaanka shixnadaas lagu label gareeyey magaca haruur loo wado dadka ku tabaaleysan Qaahira

Tanu waa yaabe xaaladu sida ay ku socoto madaxweyne Xusni Mubaark sheydaan baa dhalada ka fuulay oo dhinaca xun u riixaya, isagoo darajo moodaayana, waxuu door bidaya in Dal iyo Dad midna ka dambeyn, oo uu meelkasta taraq ku tuuro, oo halkaas dalki Masar noqdo tusbax kala go'ay oo kale, waxaana umadda caalamka yaab ku noqotay balaayada u dalka u horseeday, kadib markii u Mooryaanti Masaarida ee madaxa buurneyd iyo burcadyadi maafiyada u soo dhibay Baangado iyo tooreyo ay dadka banaanbaxaya ku laayaan si u qiiq kale u si huriyo .. waa qiso aduun, beenta iyo runta mardhaw wey kala bixi-doonaan,waa wixi kharibay qoonka Somaali, duf ku bax ari-Xusni waa ceeboobay, waxaa sidaa yiri Ninki warkaan soo xigtay.