Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxweynihi Tuunisiya Oo U Baxsaday Sacuudiga Markii God- kiisi Loogu Soo Galay

Saturday - January 15, 2011

Riyadh - Madaxweyne Zeynal Caabidiin Bin Cali ayaa xalay ku huleelay diyaarad khaas ah isaga oo la socdaan qaar eheladiisa, horay maalmo ka hor ayaa xaaskiisa magangalyo ahaan ku taktay dalka iimaaradka oo iminka ay ku nooshahay .. Madaxweyne Bin Cali waxaa la sheegayaa inuu ka degey wadanka Sacuudi Carabiya, Dowlada Sacuudiga ay xaqiijisay in diyaarada Zeynal Caabidiin ay ka soo degtay wadankeeda.
Waxaa ay wararku sheegayaan in Madaxweynha dalka Tunisia uu isku dayay inuu u baxsado dalka Faransiiska laakiin  dowlada Faransiisku ay diiday in madaxweyne Zeynal Caabidiin iyo qoyskisa ay u soo baxsadaan Faransiiska.
Waxaana taladii dalka la wareegay Raysal  wasaaraha dalkaasi Maxamed Ghanouchi  kadib baxsashada madaxweyne Zeynal Caabidiin taaso shacabka mudaaharaadka wada ay leeyihiin ma aha sharci oo xaq waxaa u leh in si ku meel gaara xilka loogu wareejo raiisal baarlamaanka, Rasisal wasaaraha ayaa sheegay in talaabada ugu horayso ay tahay sidii amaanka loo sugi lahaa isla markaana loo badbaadin lahaa hantida dowlada si aan loo boobin.