Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Khilaaf Cusub Oo Ka Dhex Dilaacay Shiikh Shariif Iyo Shariif Shiikh Xasan

Thursday - January 13, 2011

Sidi caadada ahayd khilaaf cusub oo hor leh ayaa ka dhex dilaacay madaxweyne Shiikh Shariif iyo gudoomiyaha baarlamaanka .. Shiikh Shariif Axmed iyo Shariif Xasan Aadan yaa isku haya waqtiga u haray DKMG ah ee Somaaliya, oo midba si u arko.

Sida ay dad xogaal ay sheegayaan, madaxweyne Shariif ayaa ka codsaday gudoomiyaha baarlamaanka in la dhameystro xubnaha ka harsan baarlamaanka Somaaliya, si tirada loo buuxiyo, oo dabadeed madaxweynaha u hor tago isagoo ka codsanaya in waqtiga loo kordhiyo.

Hasa ayeeshe Shiikh Xasan Shiikh Aadan ayaa ku adkeystay waqtiga madaxweynha iyo kan dawlada u dhamaaday, loona baahanyahay in dastuurka cusub la anshaxiyo, lana soo dhiso dawlad cusub iyo masdaxweyne cusub.

Sida la ogyahay madaxweyne Shiikh Shariif, waxaa la soo doortay muddo laba sano ah taasi oo ku eg 31-da january 2011, hasa ahaate lama oga sida xaal noqon

Madaxweynaha ayaa ciyaaraya laba ciyaar oo muhim ah,tan koowaad oo ah mid u si hoose u wado waxa ay tahay in haddi Sh. Xasan u ogolaado in baarlamaanka la balaariyo u markaas hor tago, kana codsado waqti kordhin, waayo waxuu hubaa inu ku guuleysan-doono .. qorshihiisa labaad oo ah kan illa iyo hadda u ku adkeysanayo ayaa ah ineysan jirin waxa waqtiga ah oo ka dhamaaday.

Baarlamaanka Somaaliya waxaa ka banaan ku dhawaad 100 kursi, oo markii lagu balaariyo qorshahu ahaa in la siiyo xubnaha bulshada rayidka ah, balse aysan dhicin.

ilo wareedyo ku dhaw dawlada ayaa sheegay in Shariif Xasan ay ugu dambeyn ay u muuqato fursad u meesha kaga saari karo madaxweyne Shariif, oo marar badan ay isku dhaceen, inkasto oo xildhibaano aad u tiro badan ay garab taagan-yihiin Shiikh Shariif Axmed 

Lama oga ciida ku guuleysan-doonta dagalkaan iyo sido kale ciida sharciyan saxan, ma daama dawlada KMG ah oo idil aysan ku dhaqmin wax sharci la yiraahdo, waxaase xaqiiqa ah in fikirka madaxweynahu yahay kan beesha caalamku ay qabto oo ah in dawlada KMG oo idil oo baarlamaanku ku jiro waqtigeeda ku eg yahay biisha August ee sanadkaan

By Axmed Cali Shiikh