Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Noqday Hogaamiyaha 4-aad Ee Ugu Xun Madaxda Afrika

Thursday - January 13, 2011

Majaladda East Africa Magazine ayaa soo saartay qiimeynteedii sanadlaha ahayd ee hogaamiyayaasha Africa, taasi oo lagu sheego kuwa ugu wanaagsanaa iyo kuwa ugu xumaa qaaradda sanaddii tagtay ee 2010.
Majaladda ayaa qiimeysa dhammaan hogaamiyayaasha 52-ka dal ee qaaradda ay ka kooban tahay, waxaana lagu soo daray madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somalia Shariif Sheikh Axmed.

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa galay kaalinta 48-aad ee liiska hogaamiyayaasha Africa, waxaana ka daba maray oo kaliya 4 hogaamiye oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al-Bashir (51) iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afweriki  (52).

Liiska ayaa kaalinta koowaad la dhigay ra’iisul wasaaraha Mauritania, Navin Ramgoolam, taasi oo macnaheedu yahay inuu yahay hogaamiyaha ugu wanaagsan qaaradda Africa.

Kaalinta 48-aad ee Madaxweyne Shariif uu fariistay ayaa macnaheedu yahay inuu yahay hogaamiyaha 4-aad ee ugu xun Africa, marka liiska dhinaca dambe laga soo qabto oo ay ka xun yihiin kaliya kuwa fadhiya kaalimaha, 49, 50, 51 iyo 52.