Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Gabadhi Islaamka Iyo Culimada Jiirtay Ayaan Xirsi Oo Ka Laabatay Si Wadida Filimki No 2 Ee Fitnada

Wednesday - January 12, 2011

Naar-quutada Ayaan Xirsi oo ah gabar kasoo jeedaa wadanka Somalia ayaa sheegtay in ay dib uga laabatay sii wadida qaybaha 2 iyo 3  ee flim Islaamka sawir fool xun lagu soo bandhigayo kaas oo ay qayb wayn oo laxaad leh ka matashay qaybtiisii koobaad.

Haddaba filimkan oo ah silsilad la magac baxday "Submission" oo lagu sameeyay wadanka Holland ayaa waxaa qaybsiitii koobaad lagu soo bandhigay sawiro aad u fool xun oo Islaamka ay ku matalayaan ..  Filimkaan oo uu soo saaray Nin holanda u dhashay, laguna magacaabo theo van Gogh Ayaa sawiradidaas filimkiisa caro galiyay dadka muslimiinta ah meel kasto ay joogaanba.

Haddaba Filim-kaas qaybtiisii hore ayaa waxaaa aad uga carooday dadka muslinka ah taas oo sababtay in ninkii soo saray Theo” van Gogh la dilo, dilkaas oo uu fuliyay wiil dhalin yaro ah oo kasoo jeeda Dalka Maroco se haystay dhalashada dalka  Holland.

Kadib markii soo saaraha flim ku  Theo” van Gogh uu la kulmay dilkaaas , ayaaa waxaa aad loogu baqay Ayaan xirsi iyana in la dilo , iyada lafteedana wuxuu uga tagay waraaq digniin ah oo ay ku qorantahay in iyadana marka xigta uu dilayo .

Maalintaas laga bilaabo waxaa aad loo adkeeyay amaanka Ayaaan xirsi iyada oo loo sameeyay ilaalo gooni ah oo ay kharashka bixinayso dawlada Holland,

Ayaan Xirsi muddo kadib daba-gal lagu sameeyay waxaa lagu helay in ay been ka sheegtay taariikhdeeeda ay wadanka Holland ku timi , sidaa darteeen waxaa laga xayuubiyay xilkii ay ku lahayd baarlamaanka wadanka Holland,

Markii Ayaan xirsi laga xayuuubiyay xilkii xubinta barlamaanka Holland ayaa waxay  bilowday in dawlado badan ay magan galyo siyaasadeed waydiisato , waxaana ka mid ahaa dawladahaas midowga Yurub, laakiinse kuma ay guulaysan in ay ka hesho magan galyo , dawlado badan oo ay ku jirto France ayaa si cad u diiiday .

Iminka Ayaan Xirsi waxay ku nooshay wadanka Mareykan ka, waxaana la sheegayaa in dhaq dhaqaaqeedu aad u kooban yahay iyadoo ka baqaysa in la dilo .