Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Hogaamiyihii Al-Shabaab Godane Oo Qarax Miino Ku Dhaawacmay Iyo Darawlki Oo Dhintay

Tuesday - January 11, 2011

Xigasho Diirad News - Hogaamiyaha ururka Alshabab Axmed Godane iyo kolanyo gaadiida oo galbineysay ayaa xalay lala beegsaday qarax miino dhulka lagu aasay, iyadoo qaraxaasina ayku dhinteen laba ka mida ciidankiisa waxaana burbur uu soo gaaray gaarigii uu saarnaa Axmed Godane

Qaraxan miino oo aanan weli la cadeyn cida ka dambeysay ayaa sidoo kale ilo wareedyo ku dhow-dhow Alshabab waxaa ay sheegayaan in uu sidoo kale halkaasi ku geeriyooday darawalkii khaaska ahaa ee hogaamiyaha Alshabab, halka dhanka kale uu dhaawac fudud soo gaaray Axmed Godane.

Warkan oo aanan weli la shaacin iyadoo la dhowrayo midnimada ururka Alshabab ayaa waxaa horey u jirtay qilaaf u dhaxeeya maamulka sare ee Alshabab kuwaas oo laba garab u kala go'ay waxaana garabka uu hogaamiyo Abuu-Mansuur oo ayna kamid yihiin Cali Dheere iyo Fu'aad Shongale ayaa aad u dhaliishan ciidanka gaarka ah ee looyaqaan Xizbada oo uu sigaara u leeyahay Godane kuwaas oo ka wakiila qaarijinta shaqsiyaadka uu bartilmaadsado Godane.

Hadaba Qaraxan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Marka, iyadoo kolanyadan ay kusii jeedeen magaalada weyn ee Kismaayo halkaasi oo uu kulamo kula qaadan lahaa saraakiil kale oo sarsare oo ka mida ajaanibta u soo dagaal tagtay Soomaaliya.