Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dalka Ingiriiska Oo Markii Ugu Horeysay U Diray Khaliijka Markab Dagaal Oo Ka Ilaaliya Burcad-Badeed

Tuesday - January 11, 2011

London- Dalka ingiriiska ayaa u diray Gobolka Khaliijka Markab dagaal taasoo kasoo shaqeyndoonta khaliijka muddo lix billood ah, Markabkan ayaa dalka Ingiriisku sheegay inuu illaalin doono maraakiibta mareysa biyaha khaliijka,
 
Telefishinka BBC ayaa sheegay Markabka dagaalka ee lagu magacaabo IRON DUKE inuu u baqoolay gobolka khaliijka. markabkaa ayaa Ingiriisku sheegay iuu illaalin doono Maraakiibta baayac mushterka ee ay weeraraan burcad badeedu,Markabkan ayaa waxa kaloo uu illaalin doonaa maraakiibta shidaalka kasoo qaada dalka Iraq,
 
Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in markabkan uu yahay markii ugu horeysay ee uu taggo biyaha gobolka khaliijka isagoo markabkaa dagaalku ku soo biiray ciidamada badda ee Boqortooyada ingiriiska sanadkii 1991,
 
Markabkan ayaa dalka Ingiriisku sheegay inuu ka qeyb galay Hawlgal weyn oo lagu soo qabtay Daroogada nooca loo yaqaan cocaine oo qiimaheedu dhamaa 240 Malyuun oo GINI. Daroogadaa oo   lagu qabtay dooni nooca kaluumaysiga ah oo ku sugnayd xeebaha koonfurta America iyadoo xilligaa markabkaasi ka hawl galayey biyah Caribbean,

Barkhad Cabdillaahi Maxamed/ SWEDEN