Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

War Deg-Deg Ah Nin Hubeysan Oo Goor Dhow Dhacay Xawaalada Dahab-Shiil Qaybteeda Cabdalla Shideeye

Monday - January 10, 2011

Mogadisho: Niman ku hubeysan Bastoolado ayaa goor dhow dhac xoog leh u geystay Xawaalada Dahabshiil Laan ay ku Laheyd Suuqa Bakaaraha ee Cabdalla Shideeye, iyadoo kooxahaas hubeysan ay qaateen wixii lacag ee yaalay Laantaas.

Sida ay sheegayaan wararka, dhacan ayaa waxaa geystay ilaa saddex ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasoo galay xarunta idaacada, kadib markii ay ku qabteen Bastoolado ilaalada iyo ninkii lacagta bixinayay.

Wararka ayaa sheegaya in nimanka Hubeysan ay la tageen lacago gaaraya kumanaan doolar, inkastoo aanay inoo suura gelin inaan helno tirada lacagta ay dhaceen.

Goobta wax lagu dhacay ee nimankan ku boobeen hantidii tiilay Xawaalada ayaa hada buuqsan oo dadweyne fara badan ay ku soo xoomeen, kadib markii kooxihii gudaha u galay ay ka soo baxeen iyagoo ordaya gacantana ku sita Bastoolado.

Lama oga ilaa iyo hada cida ay ahaayeen kooxaha dhacay Xawaalada hase ahaatee waxaa la aaminsan yahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab oo la rumeysan yahay in koox aan iyaga aheyn Bakaaraha wax ku sameyn karin .. waxaase jira tuhumo kale oo la isla dhex marayo oo ku saabsan dhinaca baacmushtarka
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.