Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Saraakiil Ka Tirsan Ciidamadi Hore Oo U Ambabaxday Somaaliya

Saturday - January 8, 2011

Saraakiil isugu jira ciidamadi hore ee qalabka sida ayaa illa shalay ku si qulquleysey magalada Nairoobi kuwaaso ka kala imaanaya dalalka Kanada, Mareykanka iyo Yurub iyadoo ujeedada socdaal-kooda u yahay bal sidi ay talo iyo odoros wax uga dhiiban lahaayeen xasilooni dalka ku soo noqota iyo gaar ahaan sidi loogu guntan-lahaa aasaas abaabul ciidamo ka hortaga kuwa dalka murugada galiyey ee al-shabaab

Kooxdaas saraakiisha ayaa sida la sheegay hor-kacaya General Maxamed Salaax oo isagu ka tagay magaalada Washintoon cariga Mareykanka, waxuuna hor kacaya illa 15 sarkaal oo isugu jira kuwi milatariga, Boliska iyo Asluubta iyo waliba Nssti, oo barnaamijka abaabulkaas u si gogol-xaareysa, waxayna Magalada Nairobi kula kulmi-doonaan masuullin ka tirsan UN-ka iyo qandarasyaal Mareykana oo u xoq-xoqanaya iney qandaraas ku qaataan tababarada ciidamada, halka laga siinaayo Ugaandha , Jabuuti, Itobiya, lana rabo saraakiishaas iney iyagu talo ka dhiibtaan.

Sida jaangooyada qorshahooda lagu sheegay waxay tagi-doonaan meelo badan oo dalka ka mida sida Mogdisho oo ay isku arki-doonaan madaxweynaha iyo raisal wasaare Farmaajo, waxay kalo tagi-doonaan meelo ka mida Cariga Punt-land, siiba Garowe iyo Gaalkacyo.