Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dawlada Yaman Oo Albaabada U Laabeysa Xabsi Dumar Oo Ay ku Jiraan Qaar Habllo Somaali Ah

Friday - January 7, 2011

Sanca: Dawladda dalka Yemen, ayaa ka fikireysa sida ugu habboon oo loo maaraynayo 482 haween ah oo ku jira xabsi haweenka gaar u ah, kaas oo ku yaala duleedka magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Haweenkan oo u xir-xiran dembiyo isugu jira dil, tuuganimo iyo waxyaabaha maanka dooriya oo ay 312 ka mid ahi ay maxkamaddu ku xukuntay saddex sano ilaa dil, sida u dhawaan daabacaay wargeyska Yemen Times oo faaqida arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Dumarkan dembiilayasha ah oo gabadha ugu yari ay da’deedu tahay 21 jir, waxay ku xukuman tahay 5 sannadood, halka tan ugu da’da weynina cimrigeedu lagu sheegay 51 jir, taas oo u xiran dil iyo mu’aamarad dhan ka ah saraakiil ciidammada ah, isla markaana ku xukuman 15 sannadood oo maxbuusnimo ah.

Bartamihii sannadkii 2009-kii, ayaa dawladda Yemen goysay qaraar lagu tirtiraayo xabsigan, isagoo lagu bedelayo mac-had ay wax ku bartaan haweenku, Hase ahaatee gudi heer qaran ah oo arrintan loo xil saaray ayaa burburinta xabsiga iyo xal u helidda dumarkani aad ula raftay.

Hadal ka soo yeeray wasiirkii hore arrimaha diinta ee dalkaasi, ayaa sheegay 190 ka mid ah haweenkani in xal loo heli karo oo qaarkood dalkii ay ka yimaadeen loo celin-karo halka 294-ka kalena aan meel loo hayn.

Haweenkan ayaan la daryeelin, isla markaana xabsiga dhexdiisa ku hela mukhaadaraad iyo waxyaabaha maanka dooriya waxana mararka qaarkood dhacda in ay jeelka isku dhex layaan.

Xaaladda si kasta ha ahaatee, sida wargeysku qoray 140 dumar ah oo xabsigaasi ku jira ayaa iminka xal loo heli karaa, haddiba ay ka baxaan halkaas, qaarkoodna waxaaba adkaanaysa in qoyskoodu damaanad qaadan, haddii la cafiyo. Haseyeeshee dawladda way ka go’an tahay in la albaabada loo laabo xabsigaas.