Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Omar bashiir Oo Yiri Mashxarad, Dabaaldag iyo Aqoonsi Ayaan Ku Soo Dhaweynaya K. Sudan

Friday - January 7, 2011

Khartoum.(AFP) - Madaxweynaha dalka Sudan Mr. Cumar Xasan Al-Bashir ayaa shaaca ka qaaday in uu ka qaybgali-doono dabaaldaga iyo damaashaadka loo samayn doono dhalashada qaranka cusub ee koonfur-ta Sudan.”Hadday koonfuri doorato Madaxbannaani, waanu u iman-doonaa una hambalyen-doona lana mashxaradi-doonaa,” ayuu afka ku balaariyey Madaxweyne Al-Bashir.

Madaxweyne Cumar ayaa waliba dhawaan sheegay in uu noqon doono “cidda ugu horraysa ee aqoonsata dowlad ka dhalata koonfur-ta Sudan,” haddii uu shacabka koonfur-tu doorto in uu ka go’o dalka Sudan intiisa kale.” Haddaad ku dhawaaqdaan midnimo, soo dhawaada. Haddaad ku dhawaaqdaan go’itaan, iyana soo dhawaada,” ayuu mar kale ku celiyey Mudane Al-Bashir.

Shacabka koonfur-ta dalka Sudan ayaa maalinta Axadda ah ee Taariikhdu tahay Janaury 9, 2011, waxaa laga qaadayaa afti Aayo-ka-tashiya, taas oo la filayo in ay ugu codeeyaan noqoshada dal ka madaxbanaan xukumadda Khartoum.” Anagu waxaanu doorbidi lahayn waa midnimo, laakiin ugu danbaynta waxaanu tixgalinaynaa doorashada shacabka reer koonfureed-ka,” ayuu yiri Al-Bashir.

Madaxweynaha Sudan ayaa waxaa saaran culays kaga imayana bulshada caalamka, taas oo ku khasbaysa in uu qayb libaax ka qaato meelmarinta go’itaanka shacabka koonfur-ta Sudan. Dalka Sudan ayaa ka mid ah dalalka qaaradda Afrika ee ay adag tahay in dal ahaan la isku sii hayo, taas oo ay sabab u tahay kala fogaanshaha dhaqanka, Afka, diinta iyo taariikhda. “…Midnimo khasab ah way shaqayn weyday,” ayuu si qayaxan daaha uga rogay Mudane Al-Bashir.

“… Marka qaranimada koonfurta ay dhalato, waxaan diyaar u nahay, haddaanu nahay xukumadda Khartoum, in aanu ka gargaarno wax kasta oo farsamo ama agab ah iyo wixii tababar ama talo ah – diyaar ayaanu u nahay in aan caawino,” ayuu yiri Al-Bashir,isaga oo sii wata hadalkiisii.

Halgankii dheeraa ee ay soo galeen shacabka koonfur-ta Sudan ayaa waxaa ku nafwaayey dad lagu qiyaaso 2 million, halgankaa ayaa ugu danbeyntii lagu soo af-jaray heshiis buuxa oo horseeday aftida Aayo-ka-tashiga ee todobaadkan laga qaadayo shacabka koonfurta Sudan.

By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist.