Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Dawlada Giriiga Oo Ku Dhawaaqday Sidi Qaxootiga Dalkeeda Soo Gala Loo Aqbali-lahaa

Thursday - January 6, 2011

Wasiirka Arimaha Bulshada ee wadanka Greece ayaa ku dhawaaqay in wasaaradiisu go’aan kama dambaysa ka gaartayay qaabilaada Qaxoontiga ku soo burqanaya wadanka Greece.

Wasiirka arimaha bulshada ee wadanka Greece ka Mr Christos Papoutsis ayaa sheegay in wasaaradiisu ku dhaqaaqayso sidii qaxoontiga loo aqbali lahaa , iyada oo bilowday in ay xerooyin qaxoonti ka samayso magaalooyin kala duwan oo dalka ah , waxa uu sheegay wasiirku in ay wadanka Greece joogaan 45,000 oo bilaa sharci ku so galay wadanka,kuwaas oo isugu jira 2 nooc

1-Dad wadamadoodii wax dhibaato ahi aanay ka  taagnayn kuwaas oo aan rajaynayno in ay ku laabtaan wadamadoodii.
2- Dad iyagu ka soo bara kacay wadamadoodi dhibaatooyin ka taagan awgeed .

Wasiirka ayaa intaa raaciyey  in aad loo adkayn doono xaduuda wadanka siiba xadka uu wadaago wadanka Turkiga iyo 2 Dekadood oo ku yaala wadanka galbeedkiisa halkaas oo qaxoontigu uga sii gudbaan wadamada kale ee yurub.

Wasiirku isagoo tilmaan ka bixiyay qaaabka loo qaabili doono qaxontiga wuxu yiri :

1-Waxaanu ku talo jirnaa in qaxootiga loo sameeyo xerooyin la mid ah kuwa yurubta kale
2- In sida ugu dhakhsaha badan aanu sharciga u siino cidii mutaysata ee aanu u aqoonsano in ay yihiin qoxoonti.
3- In magaalooyinka ka baxsan caasimada iyana laga qayb galin doono si aanay dadku isugu soo wada ururin caasimada.
Wasiirka ayaa intaa raaaciyay in waayahan dambe Yurubta kale aaanay soo celin cidii faro Greece ah laga helo,tasina ay sabab uga dhigayaan hab la dhaqanka qaxootiga ee wadanka Greece oo aad looga cabanaayo taasina waxay nagu tahay Ceeb iyo Dulinimo ayuu ku soo gabogebeeyey Wasiirku Hadalkiisa.