Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sirdoonka Finland Oo Ugaarsanaya Taageerayaasha Dhaqaalaha U Uruurinaya Kooxda Al-Shabaab Ee Ku ....

Thursday - January 6, 2011

Sirdoonka Finland Oo Ugaarsanaaya Taageerayaasha Dhaqaalaha U Uruuriya Kooxda Al-shabaab Ee Ku Sugan Dalkooda.

Finland: Wargeys ka soo baxa dalka Finland oo la yiraahdo Turun Sanomat ayaa qoray warbixino uu ka diyaariyey dhaqdhaqaaqyada ay Police-ka Sirdoon-ku (Supo)ku hayaan ilaa tobaneeyo Somali ah oo ku kala nool Caasimada iyo degaano kale oo ka mid ah dalkaa, kuwaas oo la sheegay in ay xiriir toos ah la sameeyeen Horjoogayaasha Argagixisada Al-Shabaab, waxaana sidoo kale lagu tuhmayaa in ay dhaqaale uga uruurin jireen dadka Somaalida ah, iyaga dadka lacagta laga qaadaayo ku yool habaabin jiray in lacagta loogu tabarucaayo dad tabaalaysan ama dhismayaal Masaajid.

Sarakaalka la yiraahdo Lasse Antilla oo ka tirsan Hey’adda Supo ayaa qiray in ay jiraan shaqsiyaad ka soo jeeda Somalia oo dalka degan ay ku lug leeyihiin xiriirka la sheegay in ay la leeyihiin Maleeshiyaadka Shabaab-ka ee dagaalada ka wada koonfurta Soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyey Sarkaalku in Koonfurta Somalia ay hoy u noqoneyso kooxaha Mintidiinta ah oo doonaya in ay falal qaraxyo ah ka fuliyaan dalalka reer galbeedka.

Dalka Finland oo ka mid ah dalalka North Europe ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin ilaa 15.000 oo Somala ah.

By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist