Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Afar Dumar Ah Oo Gawracay Ninkii Qabay

Wednesday - January 5, 2011

Bangaladash: Dumarka oo dabeecad ahaan iyo Caqli ahaanba kalla duwan ayaa hadana waxay ka mideysan yihiin ama isku raacsan yihiin in Ninku aanuu la guursan gabar kalle .. Dumarka ayaa iyagoo ku kalla duwan Hinaasaha ayaa qaarkood laga yaabaa inuu Hinaasahaasi u geeyo inay sameyso jariimad ama dhaawac ay u geysato ninka marka uu gabar kalle la guursado.

Hadaba Afar dumar ah oo u dhashay dalka Bangaladesh ayaa u heshiiyey ninkii qabay, afartaa dumarka ah ayaa Sida ay qortay jariirada New Egg ee ka soo baxda dalka Bangaladesh waxaa wadda qabay nin lagu magacaabo Younis Babarry oo 46 jir ah, Ninkan ayaa isagu markii hore sameeyey xariifnimo oo kalla qariyey dumarkaa uu wadda qabay ee afarta ahaa.

Ninkan ayaa arintiisu fashillantay kadib markii maalin maalmaha ka mida uu u soo kaxeeyey laba dumara oo ka mid ah afarta uu wadda qabay meel xaflad ka dhacaysay, labadaa dumarka ah ayaa iyagu is ogaa Raallina isaga ahaa inuu ninkaasi wadda qabo .. Laakiin labadaa dumarka ah ayaa ka ogaaday goobtii xaflada in ninkoodu uu la qabbo gabar sadexaad oo markaa xafladaa ku sugnayd.

Goobtaa ayaa waxaa ka billaabmay dagaal dhex maray sadexda dumar ah iyo ninkooda iyo Reerihii ay dumarkaasi ka dhasheen, Arinta la yaabka ku noqotay dumarkaa isla markaana xaallada sii xumeysay ayaa ahayd kadib markii sadexdii dumarka ahaa ee uu ninkaasi qabay ay ogaadeen inuu Ninkoodu gabar afraad ku qabo magaalada Kaberbor ee dalka Bangaladesh,

Afartaa dumarka ah ee uu ninkaasi isu keenay oo aan iyagu is ogeyn inuu wadda qabbo ayaa ku tashaday iskuna af gartay inay ninkooda ay dillaan, Dumarkaa ayaa ninkaa ku balamiyey guriga xaaskiisii afraad ee magaalada Kaberbor, Dumarkaa ayaa ninkaa u qaaday gacanta iyagoo ku dhuftay wax kasta oo ay hellayeen iyagoo ninkaa nafta kaga jaray sidii ay u garaacayeen, Ninkaa ayay ku dhacday wax badso wax beel bay dhashaa iyadoo ay halkaa ku dilleen afartii dumarka ahaa ee uu wadda qabay,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed / SWEDEN