Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Wiil U Dhalay Boqorkii Hore Ee iiraan Oo Dhafoorka Xabad Isaga Dhuftay

Tuesday - January 4, 2011

War talaadadi ka soo baxay xafiis reer boqr Shaah u qaabilsanaa arimaha war-faafinta ayaa shir jaraaid ku cadeeyey in wiilki boqorki hore dalka iiraan Boqor Maxamed Rida Bahlawi u isagoo gurigiisa ku sugan xabad madax isaga dhuftay.

Wiilkaas oo magaciisa la oran jiray Cali Reda Bahlawi ayaa sida ay warkooda ku sheegeen isu dilay sababo la xariira ahey way iyo ciil ku gadooday oo intu noola ka damqan jiray xaalada u ku suganyahay dalkiisa iiraan oo sida u sheegi jiray ay ka luntay magaci iyo karaamadi iiraan iyo rajo la'aanta ka jirta in wax iska badalaan.

Cali Reda Bahlawi oo rajadiisa ahayd iney imaan-doonto dharaar u dhaxlo boqortinimadi Aabihiis ayaa candhuuftiisi dib u liqay markuu arkay inaan waxba laga qaban karin xukunka islaamiga ee dalkaas ka jira oo maalinba maalinta ka dambeysa awoodiisa sii kordheyso.

Cali oo 44 jir ahaa, kuna noola gobolka Virginia magaaladeeda Boston ee cariga mareykanka ayaa inta badan noloshiisa ku noolaa hodanimo, caafimaad qab, nabad iyo isagoo si fiican uga raaxeysan jiray hanti badneyd ee aabihiis boqor Maxamed Reda Bhlawi uga tagay oo u noqday " Aduun Maal".

Sida la ogyahay Boqor Maxamed Rada Bahlawi waxaa dalka u ka soo baxsaday 1979 kadib markii kacdoon u hogaaminaayey iimaam Khumeyni awoodi dalkaas marooqsaday oo dabadeed xukunkii dalka isu badalay from Boqortooyo To Dawlad ku dhisan shuura Islaami ah.