Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

100 iyo dheeraad Somaali Iyo Itoobiyaan Ah Oo Doon Kula Quustay Bada Yamen

Tuesday - January 4, 2011

Xukuumadda dalka Yemen ayaa sheegtay in boqo iyo dheeraad qof oo tahriibayaal ah una kala dhashay dalalka Soomaali iyo Itoobiya  ay ku dhinteen xeebaha dalka Yemen, kaddib markii ay dageen laba doomood oo ay la socdeen.

War xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Yemen ayaa lagu sheegay in shan qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Soomaali, laga badbaadiyay dooni ku dagtay gobolka Laxaj, iyadoo intii kale oo u badan Itoobiyaan ay ku maqan yihiin badda.

Doonyahan, ayaa la sheegay inay dajiyeen dabeylo xooggan oo ka dhacayay badda cas, waxaana mid ka mid ah oo ay saarnaayeen 46-tahriibe oo Itoobiyaan u badan, kana soo shiraacatay xeebaha Jabuuti, ay ku dagtay marinka Baabul-mandab, saddex saacadood kaddib markii uu safarkeedu soo bilowday.

Afhayeenad u hadashay hay'adda qoxootiga adduunka ee UNCHR, ayaa sheegtay inaan la hayn inta badan maydadka dadkii doomahaas la socday, tanina ay tahay dhacadii ugu horreysay sannadkan ee ku saabsan tahriibayaal ku dhinta badda Cas.

"Shaqaalaha hay'adda UNCHR, waxay ku jiraan baad-goobka tahriibayaasha maqan, howshana weli way socotaa," ayay tiri afhayeennada UNHCR Melissa Fleming. Sidoo kale sarkaal ka tirsan UNCHR oo ku sugan Sanda, ayaa sheegay in tahriibayaashii la badbaadiyay la geeyay isbitaallo si xaaladooda caafimaad loo hubiyo.

Tahriibayaasha la la'yahay, ayaa waxaa ku jira haween iyo caruur badan, kuwaas oo aan tiro ahaan la sheegin, waxayna doomaha qaarkood ka soo baxeen xeebaha maamulka Puntland ee Soomaaliya.

"Gacanka Cadan, weli waa meel ay tahriibayaashu u isticmaalaan marin ay ku galaan dalka Yemen, kaddibna ay uga sii gudbaan dalal uu ka mid yahay Sucuudiga si ay halkaas uga abuuraan nolol ka wanaagsan middii ay dalalkooda ku haysteen," ayuu yiri Jean-Philippe Chauzy, oo u hadlay hay'adda socdaalka adduunka ee IOM.

Dalka Yemen, ayaa waxaa ku nool qoxooti badan oo Afrikaan ah, kuwaasoo ka dhigta dalkaas marin ay kusii nastaan si ay ugu gudbaan dalalka bariga dhexe, iyadoo ay jiraan tahriibayaal ay ku adkaato inay u gudbaan Sucuudiga, kuwaasoo gaajo iyo cudurro ugu dhinta xuduudda u dhexeysa Yemen iyo Saudi Arabia.