Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Dawlad Dhufaan Ah .. Waa Dood Dhex Martay Daahir Riyaale Iyo Axmed Siilaanyo .. By Y. Omar Waceys

Tuesday - January 4, 2011

SIILANYO: Hadaa yaan ku wareerin Cawilee, dawladii waanigaa dhisay, qudhaanjow ku quuso, nin damac lahaa iyo mid  wax qoondaystayba wadadaan idhi cagta saar.

DAAHIR: Hayaaay hawkan aad u kalala rartay, horta waxaan ogaaday inaan mid kaaga fiicanahay walow la yidhi nin is faan  shay waa ri is nuugtay.

SIILANYO:
Oo  maxaad igaga fiicantahay, waa wada dad aqoonlee, taadii kuwii kugula jiray waxa ay wada ahaayeen guul wadayaal aan hadal kugu soo celin karinee.

DAAHIR: Horta bari iyo fudaydku  huuno ma walaalbaa, isug aan kuu dhameyee, waligayba laba isma sarin oo laba tagogo isma saarin ayuu nin yidhi. Waar waa maxay dawladan dhufaanka ahi ismaan odhan ragaan ogaa ayaa laga tagi, kur sigaan waayay ciil uma qabo ee kuwan maanta ku mashquulay mucaarid iyo muxaafid kay yihiin ayaa ciil hoy u  noqday.

Cabdi aw Daahir mee? Yaa abaabulkaga wanaagsanaa iyo hawl karnimo, waa ku daayay, ina kaahin  mee? yaa hadal ugu tagi kara? Dood yaa meel wax ku mariyay? Ina Biixi mee? Yaa tolay cod ku keenay.dhaga wayne mee yaa qorshe adag la aamusnaa,ina xasanb cige yaa kulmiye nimadu dhiigisa raacday? C/qaadir siyaasi hufan.

Walee ragaa ta ku dhacday waa taariikh lama ilaawana, bal ii shegoo maxay odhan ma mucaaridbaan nahay, ma muxaafidbaa? Ma wax soo socdoo hor dhocdaa jabhadaan ka maqli jiray asqaan qaybinayaa alaylee waa taa asqo aad u qaybisay.

SIIALYO: Misna hada waxaas hadaa hadalkaasa lagaa maqli oo nimanka waad igu kicin, waar waxba maan qaybinee  heshiiskii Burco ayaa sidaas ahaa.

DAAHIR: Waan arki doonaa waxa ka soo baxee, waxaad iga warantaa jananka booliska iyo ka  milatariga iyo oomanaha maxakabada iyo gudoomiyaha banka ka waran ma badalaysaa?

SIILANYO: Horta waanigii ku idhi shaqo ma abuuri karee dadkaan u kala qaadayaa, ragaa aad i waydiisay 2 ma badalyo, kuwa kalese waa buulka, Oomane waan badalayaa, laakiin hada maaha, waa nin aqoon leh, waanse badalayaa maalin ay ahaataba, waayo inbadan ayuu kuu hiiliyay.

Ka milatariga badalimaayoo heshiiskii Gabilay ayay ka mid ahayd in anan janankooda badalin  iyaguna codka i siiyaan,  waxayse dhagta iigu sheegeen xalka  Ceelbardaale inuu isagu hayo,  lakiin inta kale waa buulka.

DAAHIR:
Warbaa ka danbayn, jananku haduu xalka Ceelbardaale hayo, mar horuu ii sheegi lahayee,  iska ilaow waa khuuradii Galbeedkee, waxaad ka warantaa safarkaaga u horeeya xagaad tagaysaa

SIILANYO: Jabouti, Ethopia, Uk

DAAHIR: Itoobiya gartay, jabuutina gartay, lakiin UK ma waxaad ka heshay marti qaad rasmiya.

SIIALNYO: UK maan ka helin marti qaad rasmiyee, misna waatan gurigaygii xaraashay doorashadii hore, markaa waxaan isleeyahay  bal dhawr guri ka soo eeg, waayo Afirca hadaad wax ka iibsato  waa muran.

DAAHIR: Huuno maad ka joogi, anigu salkaan u dhigay dhawr sano ka dib ayaan guri iibsiga bilaabay hadii guryahayga la isu geeyo  12 guri oo ku kala yaal jabouti, masar, jarmalka, mida kale lacagtaa xagaad durba ka keentay?

SIILANYO: Miyaanad ogayn in DENMARK cash ay keentay 25 milyan oo Euro, mida kale aniga  guryahaan rabaa lacagtoodu ma badnaba waa ilaa 1800.000.000) Milyan iysideed boqol oo dollar. Waana 2 guri oo kaliya, ma badna.
 
DAAHIR: Sheeko carbeed ayaan ku maqlay bari ayaa nin boqori wadan u talin jiray, ninkii boqorka ahaa waxa uu dhibay umadii dadkii siday u habaarayeen isaga cimrigaaba loo dheereeyay, balse  waa dhintay mudo ka dib, markii uu dar daarmayay ayuu u yeedhay inamadiisii waxa  uu yidhi “mee Abdulla, waa kanbaa la yidhi, waxa uu yidhi adaa leh boqornimada aabo markaan dhinto albaabka hayga saarin ee dhankaan u jeedo ilaa meel banaan laga gaadhayo dumi waxa ka soo  horbaxba.

Wiilkii waayhay abo ayuu yidhi igu halee, odaygii waxa uu u jeestay oo yidhi ii duwa xaga   suuuqa ee magaalada badhtankeedii waa loo duway, mudo yar dabeedna  wakhtigiisii ayaa galay, wiilkii odaygii daaqada ka saar, suuqii oo dhan cagaf gali, dadkii oo islahaa waa raaxaysateen ayaa yidhi waa maxay waxani?

Waxa la yidhi boqorkii cusbaa ayaa yidhi aabahy dhankuu u jeedo ayan ka saarayaa, wixii iga soo horbaxana cagaftaa la tagaysa, waxa ay yidhaahdeen odaygii ilaahaw kuu naxariiso.

Waxan uga socdaa shacabka Soomaliland ilaahay haydiin gar gaaro, maxaa soo socda.

SIILANYO
: Waar ma anaad wadaada dheer ii soo martay, umada waan u shaqaynayaa, waanan ka shaqaysanayaa 6 sano ayaan lacag dadka ka gurayay, haloo kala badnadee xoolii tolkay xagay ku dhamaadeen, Dahabshiil, Idha Deero, Ina Faarah Xarbi, Muuse tuu jabuuti ka keenay, waxaas oo dhan ayaa igu maqan, markaan intaas celiyo ayaan umada wax u qaban, oo horumar aan gaadhsiin.

DAAHIR: Alaylee waa yaab iyo yaabka yaabkii, ninbaa bari nin u tagay, ninkana waxa la odhan jiray waa gacan adagyhay, ninkii baa yidhii jaamacoow 2 cisho wax ma cunin ee balisii waxaan ku cunteeyo, waxa uu yidhi laba ku dhan haa ayuu yidhi, ninkii oo isle walee jaamac kaa nax ayaa uu yidhi hadaad 2 cisho gaajaysnayd ka adkaatee haw dhaqajin. Ninkii wuu naxay, waa na iska huleelay,

Ma marka umado baabado ayad wax u qabon” Jaamac ayaad tahay oo kale. Waxaad iiga warantaa yarkan  xirsi umadiba waatan hadal haysa wax jirana ma ahyn xilkani, bal ilayn is calool xaadhadkii baan ku jirnayee iiga waran, barigiiba waxaan u eryay waan dareemay inuu  ku cabsanyay oo balan hoose leediin.

SIILANYO: Misna maxaa Jamac lanuugu jeedhaa, horta waa runtaa oo hadaan moodayo in uu  su’aalahaas i galinayo waaban iska dayn lahaa Xirsi, ee shaqadiisu waxa weeye wasiirka hanti ururiyaha madaxwaynaha ee gaarka ah.
Y. Omar Wacays .. Email: [email protected]