Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Maxkamad Ku Taal Dalka Yeman Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Nin Somaali Ah

Monday - January 3, 2011

Maxkamadda ku taalla dalka Yemen ayaa shalay ku xukuntay qof Soomaali ah dil, iyadoo saddex
qof oo Yemeni-yiin ahna ku xukuntay min 25-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay laba danbi oo la xiriira ganacsi daroogo.

Warkan oo ay baahisay wakaaladda wararka Yemen (SABA) ayaa lagu sheegay in Cali Yuusuf ibraahim oo ah qofka Soomaaliyeed ee dilka lagu xukumayay ay ku heshay maxkmad ku taalla magaalada Mukallah ee gobolka Xadral-muut ee dalkaas, inuu dalkaas geliyay cirbadaha Naarkootik ah.

"Cirbadaha Naarkootiga (Maado daroogo ah) ah ee lagu helay qofka Soomaaliga ah waxay gaarayeen 180-xabbo, waxaana la xiray bishii June ee sannadkii 2009," ayaa dacwaddiisa lagu soo oogay eedeysanaha oo maxkamadda laga hor akhriyay.

Dhanka kale, maxkamadda ayaa isla shalay oo Axad ahayd ku xukuntay min 25-sano oo xarig ah, saddex qof oo u dhashay dalka Yemen, kuwasaoo la sheegay iyagana in lagu helay inay isku dayeen inay 15-kg oo xashiis ah ka gudbiyaan bar koontarool, ayna rasaas ku fureen ciidammada booliiska.

Saddexda qof ee Yemeniyiinta ah, ayaa lagu kala magacabaa Xamad Salim Xaniish, Axmed Saalax Axmed Jaradaan iyo Naa'if Salim Xaniish, kuwaasoo ay ciidammadu ku qabteen koontarool ku yaalla gobolka Xadral-muut bishii Decmber ee 2009.

Dambiilayaashan la xukumay, ayaa waxay tan iyo markii la qabtay ay ku jireen xabsi, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo qof Soomaali ah oo daroogo lagu qabtay ay dil ku xukunto maxkamad ku taalla dalka Yemen.