Bahda Shabkada Wararka Galdogob Times Oo Idin Leh Sanadkaan Sanadkiisa Ku Gaara Bash Bash Iyo Barwaa
Friday - December 31, 2010
Bahda Shabakada Wararka Galdogob Times Media ,Wuxuu akhriystayaashiisa meel kasta oo ay jooggaanba ilaahay uga baryeynaa in sanadkan sanadkiisa uu ku gaarsiiyo barwaaqo iyo bash-bash bilashada Sanadka Cusub ee Miilaadiga 2011 .
Sanadkan cusub uu kheyr iyo faaiidooyin waaweyn u la bisho Guud ahaan Caalamka, ummadda Islaamka iyo ummadda Somalida oo alle u dhigo nabad iyo barwaaqo.
Xukuumadda Somaali, iyada waxaanu u rajaynaynaa inuu Ilaahay garansiiyo marinka habboon ee ay ku haggayso dadkeeda, kuna soo dabaalayso caddaalad, xaqsoor, tabaabushayn, tacabgelin, tabantaabin iyo toobiyaha saxa qaadistiisa.
Sanad waliba hoodiyo,
Hawl iyo dhibaatiyo
Wuxuu hadimo leeyahay
Waa laga helaayo
Hadhow lagu xusuustaa
Kii noo haggaagee
Noqo loo han weyn yahay
Noqo loo han weyn yahay! 1432 Hijriya