Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Maxay Tahay Guurka Xawilaada Oo Ka Socda Somaaliya ?

Friday - December 17, 2010

Guurka xawilaada ah waa guurka waayadaan dambe la caadiyeestay, isla-markaasna noqday
middka inta badan gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka somaliya iyo weliba kuwa ku nool dalalka deriska ah loo isticmaalo qaab xawilaad ah.
Waxaana intabadan isticmaalo ragga ku nool dalalka reer-galbeedka islamarkaasna u soo guurdoonta, hablaha ka dhashay reeraha tabarta yar iyo kuwa aan aqoont lahaynba.

Waayo gabadha hadii ay tahay qof caqil leh aqoon dheeraadna leh lama qaldikareen, Guurkaan xawilaada ah ee nin jooga ameerika,Yurub iyo qaaradaha kale ee aduunka ayaa wuxu soo dalbadaa gabar joogta Somaaliya ama dalalka deriska la ah islamarkaasna ay ku qaxeen somalibadan, wuxuu soo shubaa lacag wuxuna oranaya gabdha ugu jirta reerka ayan rabaa tusaalo Nairob waa meesha ugu daran ee arrinkaan laga caadiyeestay, waxad arkeysaa ninkasta ee ka yimaado dalalka reer-galbeedka ah wuxu u yimaadaa in uu guursado, lakin boqolkiiba 25% ayaa daacadka ah.

Intakale ujeedo ayey ka wataan,waa sida la isku raacay, laakin dadkii waxaa laga raacay dibad iyo lacag iyo allahayo naga soo gaar .. islamarka ay arkaan gabadha reerkooda kama fekeraan ninkaan muxuu yahay. Balse waxay si hal-halleel ah loo siiyaa gabdha ninka bixiye lacagta badan, waxaana laga yaabaa inay gabadhu jeceshahay nin-kale ama xiriir la leedahay qofkale.

Deetana lagu yiraahdaa ninkaan ayaa ku kaxaynaya isagaa lacag leh maxaad ku faleeysaa mid aan beerikiisa beer u wehelinin oo jooga meeshaan dhibka badan ee afrika, ka bax waxaas, waxaaba laga yaabaa inay sidii ku qancado islamarkaasna ayba ilaawdaa jeceylkeedi ay in badan wadda socdeen ama ay ballan lahaayeen, waayo waxaa timid mid dibada laga soo xawilay.

Marka aan eegna qisooyinka lagu soo daabaca shabkooyinka ayaa inta badan saan ognahay waxay ku dhamaadaan guuldaro taas oo ay sabab u tahay fikradaan la so xawilay ama aan iraahdee guurka xawilaadda ah. kaas oo dhalinyaro badan u geestay dhaawc halka qaarna uu ku sababay islamarkaasna ay u dhinteen qoysas badana ku kala fogaadeen.

Hadaba akhrista-yaasheena sharafta leh waxan dhexdhigayaa su'aalahaan ah maxaytahay qasaarah uu u geesta dhaliyarada Somaaliyeed guurkaan xawilaada ah?

Mase dhab-baa in dhalinta jooga wadamadda reer-galbeedka islamarkaasna fara-baxay oo dhaqankoodaka tegay in loo soo raadiyo gabdhaha jooga Somaliya ama dalalka deriska ah sida Kenya iyo meela badan oo ay Somaalida u soo carartay?

Sidee looga hortegi karaa guurkaan xawilaada ah in uu wax yeelo-baahsan u geesta dhalinyarada mucaashaqiinta ah? Mase jiraan rag lagu guursaday guurkaan xawilaada ah?

Xalwo Cabdi Cali ..Garissa, Kenya