Danjire Yuusuf Dheeg Oo Sheegay In China La Diyaar Tahay Maalgalinta Somaaliya Haddi Nabad La Helo
Wednesday - December 15, 2010
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka China ahaana wasiirkii arrimaha dibadda Yuusuf Xasan Ibraahiim Dheeg ayaa Soomaalida ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda si looga faaiideysto kheyraadka dalku leeyahay.
Mudane Yuusuf Dheeg ayaa sheegay in dalalka Caalamka ay diyaar u yihiin in ay maalgeliyaan dalkan Soomaaliya hase yeeshee ay arrintaasi hor taagan tahay ammaan darrida ka taagan waddanka, wuxuuna tilmaamay in nabad la helaa ay wax badan ka bedeleyso dhibaatada dhinaca nolosha ah ee Soomaalida heysata.
Danjiraha ayaa ku nuuxnuuxsaday in dalal waaweyn sida Shiinaha oo kale ay diyaar u yihiin in ay maalgelin ku sameystaan Soomaaliya, ayagoo dhowraya heshiisyo ay horay ula galeen dowladdii Soomaaliya, halka kuwo kale ay doonayaan hadda in ay xiriir la sameystaan dalkan Istiraatiijiyadda leh eek u yaala geeska Afrika.
Dhinaca Danjire Yuusuf Dheeg ayaa sheegay in Soomaalidu haddii ay nabad helaan ay ka faaiideysan karaan kheyraadka badda ee dalka, kaas oo ka badan dhamaan umadda Soomaaliyeed, wuxuu musiibo ku tilmaamay in dagaalladu ay sii socdaan wali xilli umaddu ay daashay.
Ugu dambeyntii ayuu baaq u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed si ay uga qeyb qaataan sidii loo heli lahaa ammaan iyo kala dambeyn si looga faaiideysto kheyraadka uu dalku leeyahay.