Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dawlada Itoobiya Oo Ka Muregeysan Hubeynta Mucaaradka Itoobiya

Wednesday - November 24, 2010

Ra'iisal-wasaare Meles intii uu la hadlayey Reuters, wuxuu uga digay dowladda Masar in ay isku daydo in ay carqaladeyso amaanka dalka Itoobiya, iyadoo soo abaabulaysa kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Itoobiya.

"Haddaanu ka hadalno arrimaha ku aadan kooxaha mucaaradka ah ee la soo abaabulayo... waanu ka hortagi karnaa iyaga, si aanu uga dhigno waxaan suuroobayn in Masaaridu ka kaluumeysato biyo aan daganayn, sababta oo ah waxba tarayso [degenaansho la'aan ay ka faa'iideysato Masar]," ayuu yidhi Meles.

Dowladda Itoobiya ayaa dadaal xooggan ugu jirto sidii ay guud ahaan mucaaradka dalka ula heshiin lahayd, si meesha looga saaro fursad ay xukumadda Masar ku hesho mucaarad ay soo abaabusho, islamarkaana ay ku carqaladeyso degenaanshaha dalka Itoobiya.

Dowladda ayaa dhawaan hashiis buuxa la gashay ururka UWSLF iyo garab xoog badan oo kamid ah jabhadda ONLF, heshiisyadan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey shacabka deegaanka Soomaalida, dal iyo debada.

Shir uu madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, abaabulay oo ay ahayd in ay isugu yimaadaan madaxda dalalka uu maro wabiga Nile oo dhici lahaa bishan November, ayaa u muuqda mid aan qabsoomi doonin. Shirkii ugu danbeeyey ee dalalkaa ayaa lagu kala dareeray, waxaana shirkaa gudihiisa isugu hanjabay wasiirrada Biyaha ee dalalka Itoobiya iyo Masar.

Ra'iisulwasaare Meles ayaa tilmaamay in uu rajaynayo in Masaaridu fahmto in dagaal toos ahi aanu shaqayn doonin, mid dadbanna [mucaarad la isku soo hubeeyo], sidii barigi hore aanu isna waxba soo kordhinayn. Wareysiga ay Reuters la yeelatay ra'isulwasaare Meles ayaa ahaa mid aad u dheer, islamarkaana meelo badan taabanayey.