Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Zenawi Oo Ka Digay Dagaal La Isku Qiro Beelo Oo Ka Dhex Dhaca Marsar Iyo Ethopia

Wednesday - November 24, 2010

Addis Ababa - Ra'iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa dalka Masar uga digay dagaal uu Itoobiya kula galo biyaha wabiga Nile iyo waliba taageero uu siiyo mucaaradka ku kacsan dowladda Itoobiya, waxuuna sheegay in dalka masar aanu guul ka gaari-doonin dagaal qaawan uu la galo dalka itoobiya, laakiinse uu meesha ka saaray iney dagaal soo qaadi karto.

 Xiriirka dalalka Itoobiya iyo Masar ayaan caadi ahayn tan iyo intii uu billaawday qorshaha dib loogu eegayo heshiiska wadaaga biyaha wabiga Nile ee uu dalka Masar la galay gumeystihi Ingiriiska sanadkii 1929.

Dowladda Itoobiya ayaa aaminsan in hashiiskii Masar iyo Ingiriiska ee wadaaga biyaha wabiga Nile aanu ka tarjumeyn baahida maanta ka jirta dalalka uu maro wabigani.

Dalalka Itoobiya, Kenya, Tanzania, Uganda iyo Rwanda, oo ka mid ahaa sagaalka wadan ee uu maro wabiga Nile ayaa bishii May saxiixay heshiis dib loogu eegayo qaabka loo wadaagayo biyaha wabiga Nile .. heshiiskan oo loogu magacdaray Comprehensive Framework Agreement (CFA) ayuu dalka Masar ku tilmaamay mid dhalin-doona cawaaqib xumo haddii la isku dayo in la dhaqangaliyo.

Dowladda Masar ayaa xiligaa sheegtay in ay dal kasta oo heshiiskaa meelmariya u aqoonsan doonto mid halis ku ah amaanka qaranka Masar, islamarkaana ay siin doonto jawaab deg-deg ah.

Dalalka Burundi iyo Congo oo markii hore qayb ka ahaa dalalka taageeray hashiiskan, ayaa markii danbe diiday inay saxeexaan, islamarkaana ka gaabsaday taageeradi ay markii hore u hayeen heshiiska CFA.

Dalka Sudan ayaa isagu taageeray go'aanka dalka Masar, halka dalka Eriteriya oo korjooge ka ahaa shirarka dalalka uu maro wabiga Nile uu ku dhiirigaliyey dalka Masar inuu qaado tallaabo ka dhan ah dal kasta oo heshiiska CFA hirgaliya.