Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Amniga Kenya Oo Qab-Qabtay Dhallinyaro Laga Tashkiiliyey Masaajidada Mombasa Una Socday Somaliya

Tuesday - November 23, 2010

Kenya-Mombasa: Ciidanka ammaanka Kenya ayaa gacanta ku dhigay toddoba dhallinyaro ah oo uu ku jiray wiil dhalosho ahaan ka soo jeeda dalka Nayjeeriya hasa ahaate haysta dhalashada dalka Ingiriiska , kuwaasoo looga shakiyay inay doonayeen inay aadaan dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Warkan oo ay  baahisay saxaafadda Kenya ayaa la sheegay in lixda kale ee dhallinyarada ah ay Kenyaati yihiin haddana su'aalo lagu weydiinayo magaalada xeebta ku taalla ee Mombassa.

Sarkaal ka tirsan booliiska Mombassa, ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation ee ugu weyn dalka Kenya in dhallinyaradan laga soo qab-qabtay deegaanka Laamu xilli ay doonayeen inay dooni ka raacaan halkaas si ay ugu tallaabaan Soomaaliya.

"Innaga ayaa ku wargelinnay booliiska inay caruurteennu maqan yihiin, Balse markii ay ciidammadu la wareegeen waxaan nagu batay walwalka, runtii wiilkeygu wax xiriir ah lama lahan Al-shabaab," ayuu yiri Aabbaha Saalax C/kariim oo ka mid ah dhallinyarada ay ciidammada Kenya gacanta ku hayaan.

Dhallinyaradan ayaa ahaa dhallinyaro dhiganayay Iskuullada dugsiga sare sida ay sheegeen waalidiinta dhalay, waxayna waalidiinta qaarkood sheegeen inay dhibaato ka soo mareen korintooda iyo waxbariddooda.

Waaliddiinta dhallinyaradan oo barooranaya ayaa sheegay in markii ay caruurtooda waayeen, ayna maqnaashahooda ku wargeliyeen booliiska, iyagoo sheegay in xaaladdu ay isku badashay si aanay markii hore filayn.

Dowladda Kenya ayaa rumeysan in dhallinyaradan laga tashkiiliyay masaajidda ku yaalla magaalada Mombassa, waxaana lagu eedeeyay imaamyada masaajiddaas inay ku baraarujiyaan dhallinyarada in jihaadka laga qaybqaato.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, oo ka dagaalanta Soomaaliya kana talisa inta badan gobollada koonfureed ayaa la sheegay in dagaal-yahannada u dagaalama ay intooda badan ka gudbeen xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.