Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Uunkii Xubnaha B/lamaanka Oo Bac-bacdiisi Maanta Ku Lumiyey Jaaniski Lagu Ansixin-lahaa Dawladi M.F.

Monday - November 22, 2010

Kulan maanta lagu waday ineey yeeshan barlamaanka somalia oo maanta lagu kala dareeray, Waxaa halkaasi soo xaadiray 348 baarlaman oo la filayay in uu ansixiyo xukuumadda cusub. Maxamed Cabdullahi Farmajo’ ayaa halkaasi ku hor akhriyay magacyada xukuumadiisa cusub. Kadib waxaa halkaasi qabsaday buuq iyo sawaxan dheer oo u dhexeeyay barlamanka TFG.

Sababta keentay inuu buuqa dhasho iyo in lagu kala koco ayaa ka dambeesay markii uu afayaheenka barlamanka Sharif Xasan uu ku dhawaaqay in kalsooni loogu qaado xukuumadda cusub Codka qarsoodiga ah .. kadib qeeyb kale oo ka horjeeda codka qarsoodiga ayaa qeeylo iyo foori meesha ka dhigay iyagoo xittaa gacan ka hadal aay meesha ka dhacday.

Markii buuqa uu aad u batay ayaa Sharif xasan ku dhawaaqay inuu shirka xiranyahay laguna kaladareero ayaa waxaa la arkayay in qaar kamid ah barlamanka aay doonayeen in gacan aay uqaadan gudoomiyaha baarlamanka.

Ciidamada Amisom ayaa soo dhex galay oo aad u riixayay xubnaha barlamanka oo dhulka ku tuurayay .. dabadeed Sharif Xasan ayaa markale ku soo laabtay hoolka barlamaan kadibna u sheegay in buuq iyo gacan ka hadal wax uusan kordhinkarin una sheegay shirka marlabaad inuu xiranyahay, mana sheegin waqti cayiman oo leesku soo laaban doono.

Sida dad badan ay saadaalinayeen xubnaha Barlamaanka ayaa ahayd arintan mid laga filayay oo intooda badan si weeyn ugu horjeeday sababo kala duwan awgeed qaab dhismeedka Dowladda, waxaana laga yaabaa in waqti ay qaadato ansixinta xukuumadda cusub.