Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Prince A.C.Takar Ayaa Soo Diray Tix Gabaya Oo Waxaa Dhacaya Laga Tix-raacayo Ee Aadamigu Buug Ku ...

Sunday - November 21, 2010

Prince Axmed Cabdi ayaa noo soo diray Tix gabaya Oo Waxaa dhacay turxaan laga tixraaci-karo Ee aadamigu buug ku dhigto .. tanu waa yaabe tacab khsaarka dhacdooyinka sida uu tiriyey prince Axmed Cabdi Takar ee weli soo taagan Waa in taariikhda iyo sheeko taxane buugaagta taariikheed lagu dhaabaa. 

ASC .. tixdan aadka u gaaban waxa igu dhaliyey inan tiriyo anigoo tix-raacaya gabeygii:
" MASOO GAADHEY GAAL IYO WADAAD GAAR U WADA TAAGAN" kaasoo ku soo baxay qaar ka mid ah mareegaha somalida 
 
                            Masoo Gaadhey Gaban Aabihiis Gaal Ku Odhanaaya
 
 1.masoo gaadhey wiil gabana oo caalim garab taagan
2.masoo gaadhey gado yaab leh iyo culimo gaaleynta
3.masoo gaadhey shiikh gafuurka xidhoo aan la garaneynin

4.masoo gaadhey godane iyo mansuur oo is wada gaadi
5.masoo gaadhey al-qaacida   oo goysa taladeena
6.masoo gaadhey gurboodkiyo ardada gumacyo loo dhiibo
7.masoo gaadhey guri nabada oo qarax la gaadhsiiyo
 
8.  masoo gaadhey garaadlaawe wada gaadhi miineysan
9. masoo gaadhey dad aan waxba galabsanoo lagu gumaadaayo
10.masoo gaadhey gurigii ilaah oo la gabawerayo
11.masoo gaadhey madax gorofsan iyo dhiigga gobo,leyn

12.masoo gaadhey gowraca dadkiyo qoor la kala gooyo
13.masoo gaadhey gaajo nimey dishoo baangad lagu gujeynaayo
14.masoo gaadhey odey soo gotoo ilmada gabax ka siinaaya
15.masoo gaadhey gaban aabihii gaal ku odhanaaya

16.masoo gaadhey qubuuraha gar-weyn lagu garaacaayo
17.masoo gaadhey gaangester jihaad inaku guubaabin
18.masoo gaadhey rakaabkaa bombada lagu gig siinaayo
19.masoo gaadhey geeska afrikoo yurub u goodinaya
20.masoo gaadhey calankan ayan sudhi moosko gudaheeda

qalinkii:ahmed A.Takar
[email protected]