Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Mareykan Iyo Israail Oo Ka Qarracmay Dayaarado Casri Ah Kaligood Dagaalama Ay Soo Saareen Shiinaha

Sunday - November 21, 2010

China- Xukuumada dalka Shiinaha ayaa soo saartay ama sameysatay 25 diyaaradood oo casri ah kuwaas oo ah nooca dagaalka ee an cidi kaxaynin ama kaligood duula, Jariirada The Wall Street Journal ayaa sheegtay in dalka Shiinuhu uu si cad ulla tartamayo dalalka Mareykanka iyo israel isla markaana uu do onayo inaan dagaalka hawada lagaga badin.

Jariirada ayaa qortay in dalalka Mareykanka iyo Reer Yurub ay ku naxeen ama ay la yaabeen kadib markii ay arkeen dalka Shiinah oo soo saaray 25 diyaaradood oo ah kuwa aan cidina kaxayn ee kaligood dagaalama, Dalka Shiinaha ayaa diyaaradahaa kusoo bandhigay xaflad lagu qabtay Bandhiga Zhuhai Air Show ee dalka Shiinaha, Dalka Shiinaha aya markii ugu horeysay soo saaray diyaaradaha aan ciddi waddin muddo afar sanadood ka hor ah.

Jariirada The Wall Street Journal ayaa sheegtay in Arintani ay tahay Calaamad sheegeysa sida ay u hormareen warshadaha lagu sameeyo hubka iyo diyaaradaha dagaalka ee dalka Shiinuhu iyadoo dalka Shiinuhu uu doonayo inuu isu dheelli tirro dhinacyada Siyaasada iyo dhaqaalaha oo uu iminka ku fiican yahay iyo dhinaca sameynta hubka iyo horumarinta ciidamadiisa difaaca.

Dalalka Mareykanka iyo Israel ayaa iyagu iminka ugu horeeya dhinaca diyaaradaha aan ciddi wadin iyagoo aad ugu isticmaalla dagaalada dalalka Ciraaq iyo Afganistan,Iyadoo diyaaradaha Aan ciddi waddin la fillayo inay bedeli doonaan diyaaradaha dagaalka ee caadiga ah mustaqbalka dhow.

Warbixinta ay jariiradu ka qortay arintan ayaa lagu sheegay in diyaaradahan ay sameysteen dalka Shiinuhu ay ka dheereeyaan isla markaana ay ka casrisan yihiin kuwa ay haystan dalalka Mareykanka iyo Israel iyadoo dalka Iran-na uu doonayo inuu hello diyaaradahaa aan ciddi waddin, Dalalka Mareykanka iyo Israel ayaa iyagu welwel weyn ka qabba doonitaanka dalka Iran ee diyaarahaa,
Dhinaca kalle dalalka Japan iyo Hindiya ayaa iyaguna arintaa shiinaha ka walwalsan iyadoo ku kalifaysa dalalkaa Japan iyo Hindiya inay iyaguna si dhakhso ah u sameystaan diyaaradahaa aan ciddi waddin si ay ulla tartamaan dalka Shiinaha.