Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Suldaankii Beesha Cali Saleemaan Suldaan Ciise Xasan Cumar Oo Caawa Fidkii Lagu Toogtay Boosaaso

Saturday - November 20, 2010

Boosaaso - Gobolka Puntland State oo Beryihii ugu danbeeyey ay ka jireen dilal qorshaysan oo lagu khaarajinayo dadka magaca maamuska ku leh mandiqada ayaa caawa fiidkii Mid ka mida Salaadiinta Gobolada Barri ee Puntland ay kooxo dhagar qabayaal ah oo hubaysani si waxshnimo ah ugu dilleen bartamaha magaalada Boosaaso.

Suldaankan oo ka mid ahaa isimada ugu xushmada badan gobolkaa oo lagu magacaabi jirey Suldaan Ciise Xasan ayaa ahaa nin qaban jiray hawshi beeldaajinimada beesha ma daama odagi beeldaajaha u ahaa beesha horay u geeriyooday wiilkiisa dhaxlayna uu yahay nin da' yar .. Marxuumka suldaan Ciise maal-mahaan dambe waxuu qayb weyn oo nabadeed ka qaatay beelihi Cali Saleemaan iyo Cali Jabraaiil oo is ku dhacay isagoo muujiyey karti iyo sharaf uu ku dhexdhexaadiyey labadaas beelood dirirtu dhex martay .

Sida la sheegay marxuumka waxaa dilay laba nin oo hubaysan goor uu ka soo baxay masjidka Aqsa salaadi cishaha oo aad ugu qabsanaa xaafadiisa, Sida ay carabka ku dhufteen dad goobjoog ahaa waxay tilmaameen in ragga dilay Suldaanka ay ahaayeen labo nin oo ku hubeysnaa bistoolado oo u muuqday in ay saacado badan ku daba jireen Suldaanka.

Ciidamada Booliska ayaan wax war ah weli ka soo saarin Cid ay u qabteen dilkan, walow ay Ciidamo fara badan soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay .. Dilka Suldaanka ayaa imanaya xilli Maamulka Puntland uu muujinayay in xal laga gaaray dilalka qorsheysan ee xilayada Fiidkii ah lagu fuliyo dadka wax garadka ah, kaasoo badaanaaba ka dhaca magaalada Boosaso.