Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Qab-qablihi Hore Ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed Oo Mar Kale La Xiray

Saturday - November 20, 2010

Qab Qablihi hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yusuf Dabageed) ayaa la soo sheegayaa in mar kale ay xabsiga u taxaabeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan degmada Feerfeer waxaana wararka qaarkood soo dhacay sheegayaan in markaan laga yaabo in dhinaca adis loo qaado. 

Dabageed oo in mudo ahba ka tirsanaa hogaamiyaasha ciidamada ee ku tiirsan dowlada ee ka dagaalamaya Gobolka Hiiraan ayaa la xiray markii ay jaanta rogeen tirooyin ciidamo ka tirsanaa ilaaladiisa kuwaasi oo isu dhiibay Al-Shabaab taaso si aada uga careysiisay saraakiisha itooboyaanka.

Warar kale ayaa sheegaya in Itoobiyaanka ay ku hayaan xabsi ku yaala degmada Feerfeer isaga iyo laba sarkaal oo ka tirsan ciidamadiisa halkaaso suuaalo ay ku weydinayaan siyaabaha ciidamadiisa uga yaaceen

Waa marki labaad oo ay xirayaan ciidamada Itoobiya mudo 30 cisho gudahooda ah, bishi hore ayey sidaan oo kale xabsiga u dhigeen markii hub iyo ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda ay u goosteen dhinaca Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa inta badan iska xirta saraakiisha Soomaalida gacan saarka la leh ee ku sugan xadka ee halkaasi ka wada abaabulada dagaal ay kaga soo horjeedaan xarakada  Al Shabaab.