Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Isbadal-Doon C/Nuur M. Cilmi Talokeen Oo Ka Hadlay Xaalada Xeero Iyo Fandhaal Kala Dhaceen

Friday - November 19, 2010

ASCW, Dhammaantiin Ciid Wanaagsan Ayaan Idin Leeyahay Soomaaliyeey .. Salaan Ka Bacdi

Muddo wax uma soo qorin akhristayaashaydii caalamka igala xiriiri jirey. waxaad waligay iiga barateen waxay ahayd WAX u sheegidda qofka soomaaliyeed ee maamulka u haya ama ka doonaya inuu u qabto iyo haddii aan arko maamul qallooc ku socda ee aan markaas is dhaho tub qalloocan ayuu ku socdaa. qofka walalkaa ah haddaadan khatar ka qabanayn ama dhaliil u hayn markaasna af-qoyan looma hadlo oo wax lagama sheego. Akhristoow waxaa iga yaabiyey meel aad joogtaanba Madaxwaynaha maamul gobolka PUNTLAND. mudane C/RAXMAN FAROOLE. malaha adinkuna horay uga yaabte khudbooyin dadku ay ka fajaceen xilliyo kala duwan idaacadaha ka sii daayey oo dhammaantood ahaa kuwo aan laga fiirsan oo magac xumo u ah shaqsi ahaan iyo ka maamul ahaanba. Arrintaydaanse taas way ka qaro wayntahay.

Mudane Faroole, Marka uu ka hadlayo khubooyinkiisa faa'iidada ay FEDERAL-KU soo kordhin karto : Wuxuu ku khudbeeyaa waxaan ka soo horjeednaa in Soomaaliya oo dhan Muqdisho wax kasta laysugu geeyo ayaan ka soo horjeednaa, dadka Soomaaliyeedna xaq waxay u leeyihiin in ay nolol ku helaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin iyo adeeggooda bulsho.

Hadalkaas waa hadal wanaagsan waana sida uu qof kastaa isleeyahay !!! kow. bal haddaba, aanu eegno maamulka PUNTLAND !!!! maamulka Puntland waxaa samaysatay beelo isu tagay ayaga oo midba tuulo iyo degmo iyo deegaan gooni ah ku noolyahay, Haddaba Soo GAROOWE HADDA MA NOQON MUQDISHADII LABAAD ee mudane faroole ka hadlayey.
Maamulka Puntland buqcadaha ay beesha XXX degto mooyee xaggee ayuu wax ka qabtay ? xag adeeg bulsho ? horumar ? caafimaad? waddooyin? waxbarasho? Biyo iyo nolol midda ugu hoosaysa toona ??? jawaabtu waa haba sheegin.

GAROOWE, maamulka samayntiisa ka hor iyo hadda maxaa iska baddalay ???? way muuqataa oo jawaab uma baahna. xataa buqcadaha kale ee haybta xxx degaan sida Qardho, Boosaaso iyo qaybta yar ee gaalkcyo kaga soo aadda FUUDKA mooyee dheef wayn kama helaan. waxaa iigu yaab badnayd markaan idaacadaha ka dhageystay mashruuc ay yurub bixinayso oo loogu magac daray MAAMUL WANAAG iyo horumarin ayay waxay soo qorsheeyeen in lagu fuliyo 4 magaalo oo Puntland ka tirsan oo kala ah waad iska sii garanaysaaye BOOSAASO, QARDHO, GAROOWE IYO GAALKACYO. waa yaabe waxa soo dhar lama saaro xataa iska yar miyaa cawradaada sidaas dariiqa laysugu qaawiyaa ??????

Mudane faroole iyo wixii la halmaala waxaan su'aalayaa: caddaaladdiinu ma sidaanbaa ??? mise xoog ayaad dadka ku leedihiin ??? Puntland waayo ? ma reer jufo ahbaa msie beelo ballaaran oo isu tagey ???
bal tusaale aan kusoo daawadsiiyo ee ii dulqaado akhristow adiga oo raalli ah: maxaa maamulku ka qabtay gobolka SOOL, SANAAG IYO CAYN? maxaad ugu hanjabtaa hadday xaqooda kaa waayaan oo ayagu gooni u raadsadaan ?

GOLDOGOB edeb badanaa dadkeedu (ogow xoog cid kuma haysato ee waa dad sarriigta oo samir badan), waxaa shacabka reer GOLDOGOB inta isu tageen ay dhisteen Isbitaalkii ugu waynaa ee dawlad goboleedka PUNTLAND laga taago. qarash aan yarayn ayaa galay halkaas. hase ahaatee shacabku iskaa wax u qabso wax wuu u dhisi karaa laakiin dawlad ayaa wadi karta oo shacabku kaligiis awood uma laha.
Mudane faroole MUDUG GENERAL HOSPITAL ee GOLDOGOB hadda waxa kaliya oo shacabku ku samaysan karaan waa xoolaha oo lagu xaraysto. waayo, maamulkaagu wuxuu ka gabay shacabka reer goldogob in aad ICRC-da macaawinada Shacabka Soomaaliyeed Free-ga ugu shaqeeyo oo diyaarka u ah inaad u sheegtaan ayaad ka hagrateen.

Maxaa ka hor sitaagi kara hadday shacabka reer Goldogob maamul kaaga la mid ah ku dhawaaqaan ????? waayo shacabka Goldogob midnimada ayay jecelyihiin, kala tagga ayay diidayaan, tafaraaruqa iyo isfeer yaaca ayaysan rabin. laakiin, markay arkayaan inaad geela iyo ariga GAROOWE JOOGA INAAD isbitaal u dhistay. oo suuq caalami ah dadkii garoowe u dhistay , oo Airport u dhistay oo aad hadda bilaabayso mashruuca 5 garoon oo cayaaraha lagu qabto olympics-ka aad ku cayaarto gabadha foolanaysana isbitaalkeedii arigu ku xaroodo oo ay tahay in GAROOWE caafimaad loo keeno. CAADIL MA TIHID EE CADOW AYAAD TAHAY iska qabasho u baahan ee sidaas ogow.

Goldogob waan ku dheeraaday ee bal eeg kuwaan kale oo fuudka mooyee aan dheef kale gaarin sida JARRIIBAN, GARACAD, EYL, BUSLE, BAYLA IWM. Mudane faroole aanu isu qirno in maamulka Puntland yahay mid ku dhisan QABYAALAD, MUSUQMAASUQ, EEX, IYO SAD BURSI. mid maamulkiisu uu yahay mid aan dadka u dhexayn caddaaladdana aad uga fog. waxaanu dhawrnaa haddaba halkuu gaari doono wax ay khayaano iyo eex ku jirto.

Talo bixin: wali inta aan dhaliishaada kuu soo sheegayo kaama quusan, kaamana go'in, cadowgaana ma noqon wali. haddaba wax ka baddal maamulka aad MUDANE Faroole iyo dawlad goboleed JAALLE PUNTLAND KU SOCOTO inta ay goori goor tahay waa iga digniin. waa iga walaaltinimo, waa iga wax u sheegid waa iga toosin.

Xaqa iyo runta lama qariyo qofka loo sheegana wax ku qaadad mooyee kama xumaado. haddaan la is dhaliilin lama helo waxa dantu noogu wada jirto.

wabillaahi tawfiiq ... Danta aynu ka wada hadalno annaga oo tixgalin isu hayna.

                            C/nur Maxamud Cilmi (talokeen) ku nool London.