Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Siyaasi U Dhashay S/Land Oo Ugu Baaqay Bulshadiisa In Aqoonsiga S/land Ay Ku Jirto Konfur Somaaliya

Friday - November 19, 2010

Ciid Mubaarik Dhaman Umada Islamka, Gaar Ahan Bulshada S/land .. Salaan ka dib.

Waxaynu Muddo ku dhaw labatan sano ayu  raacdaynayna  aqoonsi ay ka helno bulshada caalamka muddada dheer waxay shacabka reer somaliland hirgaliyeen dimuqraadiyad ka hana qaaday somaliland waxay  galeen doorashooyin dimquraadi ah oo ay hogaaminayan sadexda xisbi KULMIYE, UDUB, iyo UCID, waxa wadanka laga hirgeliyay doorashoohinka dawladha hoose, madaxtooyada oo marki ugu horaysay ku guulaysto xisbiga udub markii labdan si dimuqraadi ah ugu guulaystay xisbiga kulmiye iyo doorashadi ugu wayned oo ahayd tii barlamanka lagu soo doortay hase ahate waxay shacabka reer somaliland  hiyiga ku hayeen dedaalka iyo dimuqradiyada ay gaadhen caalamku inu ku tixgalin doono oo  mar uun dhagahoodu  maqli doonan somaliland oo la aqoon saday,  nasiib daro se ilaa hada ma hayno, oo faro madhan ayaynu ka taaganahay dadaal dheer oo waxkhti iyo dhaqaale ba qaatay oo madaxdi kala duwayn ee Somaliland soo martay ku bixisay muddo rubuc qarini ku dhaw, hadaba waxa haboon in aynu is waydiino sualahan dhawrka ah:-

1. Maxaa hortaagan aqoonsiga Somaliland ?

Waxaynu dhamanteen ognahay in maamuladii kala danbeeyay ee soo maray somaliland ay waji-gabax kala kulmeen isku dayo kala duwan oo ay ku raadinayen ictiraaf aynu ka hello bulshada caalamka laakin se tasi ma hayno tan iyo markii aynu ku dhawaaqnay somaliland 1991 oo iminka ka soo wareegtay  muddo labatan sano ku dhaw, waxay  dawladaha  reer galbeedku kuwa  dimuqraadiyada iyo maamul wanaga jeceli ay si cad iyo si dadbanba inoogu sheegen in aanay ina ictaraafi Karin oo aanay somalia kala goyn Karin, waxay mar walba ino tilmaaman in aynu ictiraafeena ka raajicino African Union , nasiib daro se (AU) marnaba inagamay soo qaadin hase-yeeshe waxay ino sheegan in  koonfur Somalia wada hadal yeelano oo ku soo hisheeno in aynu kala go’ano balse  aanay jirin cid kale oo ina kala kaxayn  karta ama ina ictiraafi karta.

Madax-waynahii hore ee geeriyooday (Raximahu allah) marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaa oo ahaa siyaasi ruug caddaaya caalamkana laga yaqaaney ayaa marar badan oo uu dibedda ugu baxay ictiraaf raadin markii uu soo noqodo ummadda u sheegi jiray in adduunyadu ay dabada u soo jeedisey, balse marxuumku wuu ogaa meesha  laynaka haysto, mar kasta oo la kulmo dawladaha reer galbeedka sida boqotoyada ingiriiska oo somaliland mustacmarad u ahay muddo qarni ku dhaw ay u sheegi jireen in u aha siyaasiyintii hormuudka ka hayd midawgii somaliland iyo Somalia sida awgeed ay koonfur Somalia  kala xaajon  karan ictiraafka somaliland. Halka waxa inooga cad in wadamada reer galbeedku wax ay inoo hayn jirin.

Dhanka kale haddii anu eego wadamada Africa waxay ka qabaan in layna ictiraafo waxaa cad in dhaman wadamada Africa ay ka soo hor jeedan ictiraaf ayanu helo sababo la xidhiidha aminigooda iyago ka cabsi qaba in ay bilaabmanto dhaqdhaqaayo gooni isu-taag oo wadamadooda ka bilaama.

Bal aynu soo qaadano wadamada saaxiib ahan inoogu dhaw oo Ethiopia ugu horayso waxaynu ognahay in dawlada Ethiopia inaga dhaxayso dano badan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo amin, Ethiopia waxay isticmaasha dekeda berbera waxa sido kale ah marinka kaliya ee aynu u marno caalamka, Ethiopia waxay ino fududaysa la macaamilka  bulshada caalamka haddii ay noqon lahayd safarada kala duwan ee ay masuuliynta somaliland ugu baxan dibada iyo ka qayb galka shirarka Africa, hadaba Ethiopia oo 20 sandood ay inga dhaxayso xidhiidh saaxibtinimo.

Suashu Waxay Tahay Maxay Ethiopia U Aqoonsan La’adahay Somaliland?

Waxay dawlada Meles Sanawi si cad oo gabasho lahayn ay madaxda somaliland iyo warbahinta ugu sheegen in haddii ay somaliland ictiraafan ay ka lumayso danahooda siyaasadeed  Somalia ka leeyahiin taso macnaheedu yahay danta ay ka leeyahiin  Somalia ay ka wayntahay ta ay somaliland ugu jirta, sida darted wax dan ah oo Ethiopia ugu jirta ictiraafka somaliland aanay jirin.

Arimahas iyo qaar badan oo kale ayaa ino cadaynaya in wax ictiraaf  la yidha in so muuqan oo ay haboontahay in la badelo siyaasadi hore ee ictiraaf  raadiinta.

Waxaan soo dhawaynaya dawalda cusub ee u hogaaminayo madax-wayne siilaanyo sida furfuran ee ay u doonayan in wada hadal dhex maro somaliland iyo koonfur Somalia waan rajada kaliya ee ay leedhay Somaliland in ay aqoonsi iyo wax u dhaw hesho.

2. Ma Hayna Jidkii Saxdaha Ah Ee Radinta Aqoonsiga S/land?

waxaan qaba in aynan hayn jidkii saxda aha, in ictiraaf  laga raadiyo dawlado aan dan inga lahayn waa wakhti lumis.

Hadaba maxaa xal ah? xalku waxa uu noqonayaa mar haddii maanta aanay jirin dano siyaasadeed oo laynaga  leeyahay waxa ina la gudboon in la tashado taladaasoo ah mid qaran, xalkuna waxu ku jira  inago kala xaajoona aqoonisa S/land dadkii aynu la midowney 1960-kii waxa  ku jira dad ogol somaliland oo leh siyaasiyin aqoonyahano iyo madax-dhaqameed, waxa wacan dadkas in aynu ku soo dhawyno in ay somaliland yimaadan oo qadiyada somaliland meel mariyan ta bedelkeedan ay reer Somalilad  gacan ka gaystan sidii ay walaalhen reer muqdisho ay maamulku iyo nabda u gaadhi lahayn taso inaga dan ino ah sababto ah muqdisho inta ay gubanayso ictiraaf aynu hella waa wax aan suurta galayn  waxana qofkasta oo caqli iyo gaarad alle siiyay u cadaynaysa 20ka sanadood ee aynu ictiraafka raadinayanay in mar walba la ina laha koonfur Somalia kala soo hadla ictiraafkiin.!!!!

Qalinkayguna wuxu qabaa in aqoonsigu halkaa ku jiro waayo adduunka sharci caalamiya ayaa yaalla oo la ixtiraamayaa, aqoonsigana meel aanu ku jirin ayaynu ka raadinaynaa.

Wa bilaahi tawfiiq .. Mahamed Abdallaahi Dualeh .. UAE [email protected]