Barnaamijkii Shiikh Shuceyb ..Iyo Qiiso Cashar Ah Uu Soo Gudbiyey Xasan Cade
Friday, 05 November 2010
Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.
Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.
Qarannimada iyo Islaamka
Hadda ka hor maqaal hore ayaan ka sheekeeyey waxa uu yahey qaran madax banaan iyo inuu yahey nidaamka qarannimada cusubi mid leh tiirar afar ah oo kala ah:
1.Shacab 2. dhul leh xuduud. 3. xukuumad maamusha dalkaas iyo dadkaas .4.Iyo in xukuumaddaasi leedahey awood ay kula gasho dawladaha kale heshiisyo.
Marka aad eegto tiirarka qarannimada cusub waxaad arkeysaa inuu yahey isku imaatin bulsho oo ka geddisan dawladii qarniyadii hore jiri jirtey. Sida ay isku baddaleen arrimo badan oo wixii aadanuhu waagii hore yaqiiney ah ayey dawladnimaduna isku badashey. Dawladnimadu waa nidaam bulsho oo isba meeshii waagii hore wax taagnaayeen iskama taagnaanayo.
Dawladda Islaamkaa arrimaha culimadii hore uga hadleen maahan badidoodu awaamir diiniya oon is badaleyne culimadu waxey arrintaas uga hadleen si waafaqsan siduu ahaa curfigii iyo wixii waagaas la yaqaaney.
Sidaas darteed ayaad arkeysaa iney iskugu khilaafayaan habka iyo shuruudaha beycadu ugu ansaxdo imaamka weyn oo muslimiintoo dhan u arrimiya.
Ogow hadde waaba intii imaamada noocaas ah oo muslimiintoo dhan hoos tagaan ay aheyd mid ama waaqic ahaan u jirta ama rajo laga qabo oo raadkeedi sii muuqdey oo muslimiintu u qeybsanaayeen labo qeybood kaliya.
Muslimiintu hal dawlad ayey lahaayeen laga soo bilaabo waqtigii Nebiga s.c.w ilaa dawladii Amawiyiintu ka dhacdey sanadkii 132 hijriya. Taas waa marka laga reebo waqtiyadii dagaalkii fitanta ee muslimiinta dhex marey.Markii ay dhacdey dawladii Umawiyiintu muslimmintii badankoodi waxaa taladoodi la wareegey Cabbaasiyiintii.
Cabbaasiyiintu waxey talada si dhaxaltooyo ah ku heysteen laga bilaabo 132 hijriyailaa 658h oo waafaqsan (756-1260 miilaadi). Sanadku markuu ahaa 138 hijriya nin ka mid ahaa Banii Umayihii dawlada islaamka heystey Cabbaasiyiinta hortood oo kasoo fakadey gumaadkii Cabbaasiyiintu reer tolkiis u geysteen ayaa usoo tallaabey dhulkii Andalus la oran jirey oo ahaa inta badan labada dal ee Spain iyo Portugal.
Laga soo bilaabo CabduRaxman kaas markuu la goostey Andalus ilaa ay ka bur burtey oo Kirishtaanku qabsadeen magaaladii ugu danbeysey ee Garnada sanadkii 897 hijriya oo waafaqsan 1492 miilaadiga waxey aheyd Andalus qeyb gooni ah oo aan hoos tegin khilaafada Cabbaasiyiinta ee ka jirtey Baqdaad. Intii hore muslimiintu waxey ku taamayeen in labadaas qeybood in la mideeyo oo hal khilaafo sidey ahaan jirtey la iskugu keeno.
Halkan ka aqriso Qoraal kale uu isla qoraagan uga hadlayo Qaran Madaxbanaan.
Ilaa aakhirkii muslimiintii ay dawlado kala gooniya usii kala baxeen. Taariikhdaas waxaan usoo qaatey waxaan doonayaa inaan muujiyo markey culimadii hore ka hadashey khilaafada iyo imaamka weyn iyo xukunka muslimiinta waaqic hortooda yaalla iyo mid lasoo marey ayey wax ku dhisayeene ma aysan sii saadaalin karin xaalad iyaga ka danbeysa oo is badal weyn oo ijtihaad cusub u baahan u baahan.
Muslimiintu maanta waa dawlado qaran ah.Dawladaha qaran ee muslimiintu leeyihiin waxaa lagu sheegaa 55 dawladood. khilaafana ma jirto. Mana muuqato waqtiyadaan khilaafo soo dhow iney muslimiintu iskugu imaan doonaan. Waxaase iska cad ineysan suurtoobeyn sidii waagii hore jiri jirtey in hal qawmiyad oo carab ah amaba hal qabiil oo Qureysh ah inuu talada kaligiis ku amar ku taagleeyo inta kalena raciyad iska ahaato! Zamankaas waa jiri jirey laakiin shucuubta iyo qawmiyaduhu ma yeelayaan habkaas maanta.haddey dhalin yaro iyo dad ummiyiin u badan aqbalaan dadka intiisa badan ma aqbalayaan in masiirkooda ay ku takri falaan dad badaha ka shishey jooga. Dadka ku taamaya oo diinta azalaligaa u heystana iney xisaabaatkooda ku laabtaan ayaa loo qaataa oo wax badan ka fahmaan sida wax isku baddaleen.
Si madax bannaan oo cilmi ku dhisan baaritaan looguma sameyn farqiga u dhaxeeya dawladii khilaafada oo muslimiinta soo martey iyo dawlada qaran oo hadda shucuubtu leeyihiin. Dadka arrimahaas ku hawlana oo xamaasadu wadana waxaan hubaa waa kuwa ugu aqoonta yar baabkaas oo aan waqtiba gelin iney is bar bar dhigaan labadaas hab dawladeed. Xaajadaan la ruugin waa lagu rafaadaa ayey soomaalidu ku mahmaahdaa.
Waxaana socda maanta waa rafaadkii mahmaahyada soomaalidu ka digtey ee maahan wax islaam iyo aragti caafimaad qabta midna ku saleysan.Intey muslimiintii hore oo culimada mujtahidiintii fiqhiga asaaska u dhigey jireen wax badan oo axkaam dawladnimada ku saabsan oo kuwii iyaga ka horreeyey sugeen ayaa duruufta is badalkeedu meesha ka saareysey, haddana culimadu waaqici ayey ahaayeene wax duruuftoodi is badashey oo zamanku badaley iney dib usoo celiyaan fitan iyo dagaalo uma geli jirin. Waxaa Quraanka ku sugan iyo sunnada in taladu ahaato shuuro, waana asal weyn oo ka muhimsan arrimaha farcigaa oo shakligaa oo dadka qaar juhdiga badan ku bixinayaan.
Haddana markii taladii muslimiintu noqotey nin tooxsi iyo dhaxal tooyo culimadii fuqahada ahaa fitan iyo rabshado ma kicine duruustooda iyo cilmi baristoodey iska wateen. Wax xukun u dirirey labo qolo ayaa ka jirtey. Kuwaasna waxey ahaayeen dad xukun doon ah oo arrin dunyawi ah ay waddo, iyo kooxda labaad oo aheyd koox la oran jirey Khawaarij oo kadeedi jirtey muslimiinta iyagoo iyaguna u badnaa mar kasta dhalin yaro ka gadooda xaalad qallafsan oo jirta.
Dad dawladnimada ku raadinaya sifo waaqiciya oo dunyawi ah oo macno dunyawi ah oo mujtamaca la xiriirta leh iyo waxaa jira kuwo nusuus diiniya oo ay qalad u fahmeen ka duulaya. Kuwa sifada diinigaa ku raadiya dawladnimada ka dheerow sida juudaanka dadka qaba looga dheeraado. In waxaa laga yaabaa aadan fahmin hadalkeygaas ama aad qalad u qaadato laakiin qofkii taariikhda aadanaha wax kala socdaa wuu ogyahey, qofkii kalena isagaa indhihiisa wax ku arki doona.
Diinta soo jireenkaa oon is badalin oo arkaanul iimaanka iyo arkaanul islaamka iyo akhlaaqdu yihiin waxa ugu muuqda ayey nebiga s.c.w iyo asxaabtiisu u halgamayeene halgankoodu kuma saleysneyn aad xukun qabatid.
Goormaa dawlada islaami lagu sheegi karaa?
Xarakaatka isku tilmaama islaamiga cuquusha dad badan ayey fasaadiyeen oo qabadsiiyeen qalad ay adagtahey sida looga saxo. Waxey si dadban ama si toos ah dadka cuquushooda qabadsiiyeen in dawladii loo bixiyo magaceeda islaami xuduudana dabaqda ay tahey islaami tii intaas aan laga helina aysan islaami aheyn!
Marka haddeysan dawladu gacanta goyn,zaanigana rajmin, qofka khamro cabana jeedlin islaami ma ahan agtooda!
Fahamka noocaas ahi waa mid u baahan in si dhab ah loogu laabto. Waa in lasoo helaa tacriif iyo qeexitaan caddeynaya hal beeg leh meel loogu hagaago. Ma waxaan leenahey dawlada islaamku waa midda xuduuda oogta? Maxaa u daliila kitaab ama sunno ama qiyaas iney sidaas tahey?oo shuurada iyo cadliga oo la hir geliyo xuduud la,aan iyo xuduudoo shuuro iyo cadli la,aan la hirgeliyo kee islaamisan? In ummada amnigeeda la sugo, cadawga dibeddana laga difaaco iyadoon xuduud la oogin miyaa muhimsan mise xudduudoo la oogo iyadoon amni gudo iyo mid dibadeed midna jirin? In ilo dhaqaale bulshada loo abuuro oo musuqmaasuqa lala dagaalo oo dadka dalka ka qaxaya loo abuuro rajo miyaa muhimsan mise jeedalka? Ineysan isku xirneyna waa arrin lasoo tijaabiyey oo marqaati ma doonto ah. Oo iyadoo xuduuda la oogayo ayaa cadaalad darro iyo talo marooqsi jiri karaa iyo jawr fal.Hadda waxa gacmo la jarayo waad aragtaane haddana Itoobiya maalintey doontey kusoo xad gudubtaa dalka.
Ugandana waata madaafiicda Bakaaraha ku xasuuqda. Dawlad qaran ah oo aan xuduuda sida Shabaab u oogin laakiin dalka difaacda,amniga sugta, dhaqaale abuurta,muwaadinkana karaamadiisa soo celisa oo masjidka lagu cibaadeysto si raaxe leh ma waxaa ka islaamisan kadeedka aan ku aragney Afqaanistaan iyo Soomaaliya?
Mise waxaan leenahey dawlada islaamku waa midda ku dhaqanta shareecada oo dhammeys tiran? Haddii sidaas la yiraahdo qeexitaankaas qudhiisaa tafsiir u baahanaya maxaa laga wadaa?Sababtoo ah dadka ahlul caqligaa way ogyihiin inaan la heli karin dawlad islaami ah oo kaamil ah oo 100% hir gelisa shareecada! Taas dad aan wax badan ogeyn kana baaraan degin waxey raadinayaan ayaa wadee dad cilmi leh way ogyihiin sida ay u adagtahey. Waxaa adkeynaya waxey tahey Islaamku waa diin Ilaahey oo kaamil ah,laakiin aadanaha oon fahamkiisa iyo camalkiisuba marna kaamil noqon karin ayaa islaamkii siinaya muuqaalkiisa.
Dawlada islaamka haddey Suufiyo hir geliso muuqaalka suufiyada ayey yeelaneysaa. Haddey Shabaab hir geliyaan dawladii islaamku dawlad Shabaab ah ayey noqoneysaa. Haddey Shiico hir geliso waa dawlad shiico. Haddey Islaax iyo Ikhwaanku hir geliyaan dawlad islaax ah ayey noqoneysaa.Haddey tabliiqu hir geliyaana ummada dhan khuruuj ha u baxdey leeyihiin! Haddey dad reer miyi ah oo qallafsan hir geliyaan muuqaalkooda ayey u yeelayaan sida Daalibaankoo kale. Haddey dad xadaarad iyo naxariis leh hir geliyaana muuqaal xadaari ah ayey yeelaneysaa. Haddii caadiliin qiimaha insaanigaa ku weyntahey hir geliyaana iyagaa muuqaalkooda siinaya.
Haddey burcad iyo munxarifiin hir geliyaana muuqaal maafiyo ayey islaamkii u yeelayaan.Markaas ayaa lagu sheekeysanayaa Islaamku dad aan wax galabsan ayuu laayaa. Islaamku isagaanba is badbaadineyne yaa kaloo ka badbaadaya!
Ku cibro qaado waxa caalamka ka dhacaya oo shicaaraat maran yaan lagugu qaldin.Ilaaheyna camalkaaguu kugula xisaabtamayaaye dadka kale waxey qaldaan kuguma ciqaabayo.Markaan ogaaney inaan la heli karin dawlad islaamka u hergelisa si kaamil ah,hadana waa inaad ogaano sidoo kale dawlad dad muslim ah ay dhisteen iney islaamka ka marnaato oo sifada islaami laga xayuubiyo ineysan aheyn wax dhici kara. Labadaas arrimood oo ah inaan kaamilna la gaari karin, islaamna aysan ka marnaan karin dawlad muslimiintu leeyihiin haddii ilaahey ku fahamsiiyo culeys badan ayaa garbahaaga ka degaya iimaanka ayaana ku gelaya. Oo dawladii ummadu dhisataba iney dawladaadi tahey ayaad ogaan laheyd.
Muxuu yahey halbeegga dawlada islaamigaa lagu qiimeynayo?
Dawlada islaamku waa dawlada muslimiintu leeyihiin ama halagu magacaabo islaami ama somali republic halagu magacaabee. Hal beegguna waa inta ay ka hir geliso dawladaasi maqaasida sharciga oo loo yaqaan kulliyaatka shantaa oo kala ah:
1. Iney diinta ilaaliso
2. Iney nafta dadka ilaaliso
3.Iney maalka dadka ilaaliso
4. Caqliga ilaaliso
5.Iney sharafta ilaaliso
Xudduuda iyo jihaadku waa wasaa,il loogu talo galey in kulliyaatkaas lagu ilaaliyo. Laakiin kooxaha hadda halganka wada wasiiladii ayaa uga muhimsan hadafkii. Haddaad rabto baabi,i oo dan haka gelin ahfdaafta shariicada,oo masaajidii lagu cibaadeysan lahaa ha bur burto, naftii hala halaago oo maalintiiba boqol sidii ari weer galey isha ha caddeyso,maalkii ha burburo oo ceyr ha noqdeen dadkii,dadkii ha waasho oo cudurada dhimirka iyo buufis iyo daroogo ha dilooto,sharaftii ha lunto oo ubaxii soomaaliyeed jirkooda iney ku beeciyaan dalalka dibedda gaajo iyo darxumo ha ku qasabto. Waxaasoo dhan wal wal kuma hayaan kooxaha dagaalada fitantaa wada, laakiin waxaa uga muhimsan imisaad gacan ka goyseen, imisaad jeedal la dhacdeen, imisaad madaxa ka jarteen nin idin mucaaradey oo sidaas cadaw Ilaahey ku noqdey!
Aqlibaa Ilaahey ku siiyey ee shanta shey oo shariicada maqaasida ama ahdaafta u ah xarakaatka jihaadigaa kor miyey u qaadeen mise way daciifiyeen? Waa adiga iyo garashadaada taasi.
Warsame Gaabane ( Wadaad yare) ([email protected])