Barnaamijkii Shiikh Shuceyb ..Iyo Qiiso Cashar Ah Uu Soo Gudbiyey Xasan Cade
Thursday - November 4, 2010
Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.
Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.
------------------------------------------------------------------------------
Ujeedo:Qiiso Dhex Martay Cumar Binu Khidaab Iyo Qoys Is Ka Dhibanaa
Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa dhacday inuu Amiirkii Muslimiita ee wakhtigaas, Cumar Ibn Khattab (ilaahay ha ka raali noqdee) oo dhex qaadayay xaafadaha Madinal Munawarrah si uu ogaado dareenka iyo dhibtaada dadkiisa. Kadib wuxuu maqlay oohin, markaas ayuu ku leexday gurigii ay kasoo baxaysay oohinta. Markaas ayuu arkay haweenay iyo caruurteeda oo oynaya, iyo digsi dabka saran. Kadib ayuu haweenaydii waydiiyay waxa keenay oohinta caruurta. Gaajo inay hayso ayay u sheegtay Amiirka. Hadaba digsiga maxaa saaran ayuu waydiiyay. Biyo caruurta lagu sasabo ayaa saaran ayay ugu jawaabtay. Maysan garan inuu ninka la hadlayo yahay Cumar.
Kadib ayay bilowday inay eed dusha uga tuurto Cumar ayada oo ku eedaysay inuu iska indhatiray dhibka haysta iyada iyo caruurteeda. Cumar oonan wali isu sheegin ayaa markaa waydiiyay waxa uu u qaban karo asaga oo markaas ilin badan ka qubanayso. Haweenaydii ayaa u sheegtay inay waajib tahay inuu ogaado dareenka ummadiisa maadaamo uu yahay Amiirkooda.
Cumar (rc) oo u la socdo gacan yarihiisii Aslam ayaa markaas soo aaday dhanka magaalada ilaa uu gaaray Baytul Maalkii. Markaas ayuu bilaabay inuu soo raro cunto kala duwan, saliid, bariis, subag iyo xogaa lacag ah. Markuu jawaankii buuxiyay ayuu ka codsaday Aslam inuu dhabarka u saaro. Aslam ayaa diiday asaga oo ka xishooday inuu Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo dhabarka u saaro. Cumar ayaa ku adkaystay, kuna yiri Aslam: Ma adiga ayaa Maalinta Qiyaamaha culayska iga qaadi doona. Waa inaan aniga xanbaaro jawaankan maadaama Maalinta Qiyaamo aniga la I waydiin doono.
Aslam ayaa markaas Cumar (rc) u saaray dhabarka iyaga oo bilaabay inay aadaan dhankii guriga haweenaydii baahnayd. Markii ay tageen gurigii ayuu Cumar (rc) digsi ka buuxiyay raashin, ilaa uu ka bislaado, hadana u soo riday caruurtii, iyaga oo ka dhargay isla markiina bilaabay cayaar. Haweenaydii oo aad u faraxsan ayaa Cumar (rc) ku tiri: wallee adaaba ka fiican Amiirka Muslimiinta, Cumar. Cumar (rc) oonan wali isu sheegin ayaa ku jawaabay: Hadaad aniga iga soo war doonto, waad arki doontaa Amiirka Muslimiinta inshaAllah. Kadib ayuu iska fariistay isaga oo fiirsanaya caruurtii oo cayaar gashay.