Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Taliyaha Ugu Sareeya Boliska Aduunka Ee Interpool Oo Facebook-giisi La Jabsaday

Monday - September 27, 2010

Ficilada tuugada iyo burcadnimada ka taagan Internet-ka ayaa mareysa heerkii ugu sarreysay waxaana muuqanaysa inaanay kooxaha la magac baxay Burcad Internet-ka cafineyn cid kasta oo adeegsanaysa aalada Internet-ka.

Dadkii ugu dambeeyey ee ay haleeleen kooxahaasi burcada Internet-ka ayaa waxaa ka mid noqdey madaxa guud ee hay’ada caalamiga ah ee Booliiska Dunida ee loo yaqaan INTERPOOL.

Ronald K. Noble madaxa guud ee Interpool ayaa shaaca ka qaaday inay hawada soo galeen labadii todobaad ee tagey laba account oo laga sameysatey xiriiriyaha Facebook kuwaasi oo loo adeegsadey magaciisa.

Mr Noble ayaa wacad ku marey inay beegsan doonaan haatan wixii ka dambeeya kooxaha burcad Internet-ka, waxaana uu sheegay in Interpool hada u soo jeesan doonto sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd kooxahaasi isla markaana ay u aqoonsan doonaan kooxahaasi dambiilayaal aad u qatar ah.

Madaxa Interpool wuxuu farta ku fiiqay inay sii xoogaysanayso hanjabaada iyo qatarta ka imaanaysa kooxaha tuugada Internet-ka, waxaana uu sheegay in dadka adeegsada inay ku qaraabtaan magacyada dadka kale ay yihiin dambiilayaal waa weyn, isagoo sheegay in lagu sameeyo magaca iyo haybta dad caadi dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dil ama khaarijiin iyo waliba kufsi.

Shirkii ugu horeeyey ee  Interpol Information Security Conference ayaa dhawaan lagu qabtey Jasiirada Hong Kong waxaana lagu dhisay laan qaabilsan baacsashada iyo baadi goobka dadka ku shaqeysta dambiyada loo adeegsado Internet-ka ee loo yaqaan Cyber-crime.

Hawlgalka Infra Red ee ay dhawaan qaadeen kooxda ka jawaabida shilalka la xiriira amniga isgaarsiinta waxay ku soo heleen burcad Isgaarsiineed adeegsanayey magaca madaxa guud ee Interpool, waxaana hawlgalkaasi oo ay iska kaashadeen Booliiska caalamiga ah ee Interpool iyo booliiska 29 wadan oo caalamka ka tirsan lagu soo qab qabtey 130 qof oo ku hawlanaa falalka tuugaysiga Internet-ka, iyadoo la sheegay inay ku fuliyeen kala gudbinta lacaga sharci darada ah, kala iibsiga Mukhaadaradka iyo fulinta dilal khaarjijin ah.

Wadanka ugu horeeya dunida ee ay ku dhacaan dhibaatada tuugada Internet-ka ayaa waxaa noqdey Shiinaha isagoo noqdey 83% meesha ugu badan ee dunida ay ka dhacaan falalka tuugada Internet-ka, waxaa sidoo kale ku soo xigtey wadamada Hindiya iyo Brazil