Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Subxaanallaah: Shini Khamri Dhuuqday Oo Lagu Xukumay In Lugaha La Gooyo

Sunday - September 26, 2010

Mucjisooyinka illahaay noole kastaba wuxuu leeyahay hanaan iyo iyo is-afgarasho uu rabigeen u hibeeyay oo ay ku maareeyaan noloshooda iyo jiritaankooda .. hadaba inagoo ogsoon in Shinidu ay adeegto Ubaxa iyo macaanka dhirta ay ka dhuuqdo kana samaysa malabka macaan ee nadiifta ah kaas oo wax tar wayn u leh aadamaha

Daraasaad gaara oo la sameeeyay muddo aan sidaas u sii dheerayn ayaa ku saabsaneyd Shinidu haday ku gafto xeerka Shinida ma la ciqaaba ? hadaba Shini ayaa carafka ubaxa loo mariyay geed iyadoo waliba la agdhigay weel khamri ku jro si ay u dhuuqdo ka dibna waa ay dhuuqday oo ay dhaamisay khamradii , maxaase ka qabsaday?

Markii ay dhamaysay adeegii loo diray ee ku soo hagaagay waxay aaday xarunta cufka malabka ee boqorku ka taliyo iyadoo si sakhraan uu heehaabaysa , laakiin ciidamada illaalada boqorka iyo dhubaqa malabka ( buulka malabka) ayaa ka hortagay ceebta Shinida sakhraantay, iyagoo waliba siiyay digniin in ay ka fogaato xarunta malabka iyo Boqorka, hasa ahaate ma ay yeelin oo waxay is biday iney xoog  ku dhaafto illaalada , laakiin ugu dambeyn si xun ayay ugu guuldaraysatay.

Sida ay sheegaan culumaa'udiinka iyo aqoonyahanadu wax baarayey, marka Shinidu ay wax qaniinto waxay meesha kaga tagtaa ama ku buufisaa qiiq iil-maqaboto ah kaasoo ah is-afgarasho Rabigeena awdooda leh uu u hibeeyay ahna dheecaan ciidamada gurmadka ( birmad) ay soo beegsadaan, kuwa difaacuna ay ku diyaar garooban in ay difaacaan Boqorka iyo malabka, ka dibna dheecaankii iyo is afgarshadii Ciidamada Shinidu waxay ogadeen in reerka la soo galay, sidaa darteed Shinidii reer magaalka noqotay mar kaliya ayaa lagu soo xoomay oo la isagu tagay iyagoo ku xukumay in afarta lugood laga gooyo oo aan nafta laga qaadin , laakiin baalasha( baalalka ama baadadka ) loo daayo si ay u duusho, lana daweeyo inta ay raysanayso.