Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Taliye Ku-Xigeenkii Xarakada Al- Qaacida Bariga Afrika Cumar Cawad Oo La Qabtay Sir Culusna Bixiyey

Friday - September 24, 2010

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Taliye ku-xigeenka Shabakadda Al-Qaida ee Bariga Africa dhinaca Al Shabaab u qaabilsanaa xiriirka iyo fulinta howlaha bariga Afrika la Qabtay oo iminka ay ku so socoto su'aalo la xariira dawga dambiyada u falay ee loo aaneynaayo

Ninkaas oo Omar lagu magac dhabay ayaa Ciidamada Sirdoonka dalka Ugandha gacanta ku dhigeen isagoo sida la sheegay ku dhex dhuumaaleysanaya guryo kala duwan iyo goobo gaara lagu cibaadeysto, sida warku tilmaamayo waxaa baaristiisi iyo daba gal lagu xaqiijiyey inu Taliye ku xigeen ugu magacwnaa Shabakadda Al-Qaida ee Bariga Africa oo u ahaa ninka isku xira Ururka Al-Shabaab iyo madaxda sare ee fulisa hawlaha al-qaacida ee bariga Afrika, waxaana baaristu ku sii ogaatay inu ahaa wakiilka gaarka alshabaab ee u fadhiya Nairoobi oo wiilasha jihaad doonka ka qori jiray dalalka kenya, Tanzaniya iyo Ugandhaba, sida la ogyahayna Taliyaha al- Qaacidada bariga afrika sirdoonada waxay ku shaabadeeyaan Mr. Haruun Fazul oo ay sheegaan inu gudaha somaaliya ku jiro

Sida La xiganaayo Omar Cawad xog badan ayuu siiyey saraakiishi baareysey, waxaana carabka lagu dhuftay inu sheegay kooxo isaga ay xaga fikirka isaga xirnaayeen oo u badan ganacsato Somaali oo ka shaqysta dalalkaas bariga afrika.

Omar Cawad Omar oo asal ahaan u dhashay dalka Kenya, ayaa iminka lagu hayaa xabsiga Luzira. kaasi oo lagu eedeeyay inu ka dambeeyey qaraxyadii ka dhacay Kampala 11-kii July, isla markaana gacanta ku hayey isaga iyo nin kale oo lala qabtay farsamooyin qaraxyo lagu fulinlahaa meelo kala duwan ee dawladaha Kenya iyo Ugandha

Saraakiisha ciidamada Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Omar Cawad Omar sidoo kale loo yaqaan Abuu Salax uuna yahay madaxa hawlgalada farsamada ee Al-Qaida iyo kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia.

Abuu Salax ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa xasuuqqii lagu laayay 79 qof oo u dhashay dalka Uganda 11-kii july xili ay daawanayeen ciyaarihii adduunka.