Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Qaramada Midoobay Oo Dawlada Sh. Shariif Ku Amartay Iney Wada Hadal La Gasho Somaliland Iyo Puntland

Wednesday - September 22, 2010

New York: Source Ogal: Qaramada Midoobay, ayaa soo saartay qoraal ay kaga hadashay xaalada waqtigan ee Soomaaliya.
Qoraalkan oo uu 16 bishan golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyay ku-xigeenka wakiilka joogtada ah ee dawladda Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay Mr. Martin Briens, waxa lagu sheegay in dawladda taagta daran ee Shariif Sheekh Axmed oo qayb yar oo kooban ka xukunta Muqdisho ay wadahadal la gasho Somaliland iyo Puntland oo warbixintu gobollo ugu yeertay.
Warbixinta loo gudbiyay golaha Amaanku waxay si mugleh uga warantay xaalada ka sii daraysa ee waqtigan ay ku jirto Soomaaliya, waxayna hoosta ka xariiqday khataraha sii kordhaya iyo sida looga gaashaaman karo.
Waxay tilmaantay in kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan dawladda TFG ay sii xoogaysanayaan, isla markaana ay awood u leeyihiin inay dulmaraan oo ay meesha ka saaraan jiritaanka dawladdaas uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Sidii ay adkaynaysay warbixintii Xogahayaha Guud (S/2010/447), xaaladda amaanka Soomaaliya wuxuu aad ula sii xumaanayaa mashaakilaad haleelay.

Duullaanada ay qaadayeen toddobaadyadii la soo dhaafay kooxaha xag-jirka ah ayaa horseeday dagaalada ka socda Muqdisho. Malleeshiyaadka ayaa gacanta ku haya maanta qaybo muhiim ah oo caasimada ah, waxaanay khatar ku hayaan xarumaha dawlada ku meel-gaadhka ah, isla markaana waxay awood u leeyihiin inay dul-maraan dhulalka ku dhaw-dhaw ee ay gacanta ku hayaan TFG-du. Weeraradii lagu qaaday xubnaha Baarlamaanka 24 August iyo wakiilladii beesha caalamka iyo Madaxweynaha Soomaaliya ee garoonka diyaaradaha toddobaad ka hor ayaa caddayn u ah taas,” ayay tiri warbixinta oo lagu faafiyay website uu leeyahay xafiiska dawladda Faransiiska u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Warbixintu waxay sheegtay in afartii bilood ee u dambeeyay 16,000 kun oo qof oo shicib ahi ku dhinteen dagaaladii Muqdisho, kuwaasoo ay ku jiraan afar boqol oo caruur ah oo da’doodu shan jir ka yartahay. Waxay sheegtay in Al-Shabaab ay horseedayaan oo ay balaariyeen dhibaaooyinkooda oo ay gaarsiinayaan meelo ka baxsan xuduudaha Soomaaliya, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay qaraxyadii ka dhacay Kampala 11 July.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in dalka Faransiisku uu kaalin muhiim ah ka soo galay dedaalada ay beesha caalamku ugu jiraan xasilinta Soomaaliya. Isla markaana Faransiiku waxa uu tabobarro u fidiyay 2009 ilaa 500 oo askari oo Soomaliya leedahay. Sidoo kalena warbixintu waxay intaa ku dartay in Midawga Yurub ay Faransiisku kala shaqaynayaan sidii ay tabobarro ugu fidin lahaayeen 2000 oo askari, iyada oo Faransiisku uu tabobaray 5600 oo askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyay. “Dib ula xiriirista Ahlu Sunnah Wal Jamaaca ayaa ah talaabo muhiim ah, taasoo ay tahay in xal loo helo. Shaqo ayaa ku socota qoraalka Dastuurka, welise waxaynu ka rejaynaynaa wax fara badan dawladda TFG-da. Khilaafaadka u dhexeeya xubnaha hay’addaha dawladda ku meel-gaadhka ah waxay wiiqday talaabooyinkoodii, waana wax aan la aqbali karin.
Waa in tallaabooyin wax-ku-ool ah loo qaadaa dhamaanba inta isku raacday inay ka tanaasulaan rabshadaha dagaal. Waa inay Dawladda ku-meel-gaarka ahi si muuqata oo caadi ah wadahadallo ula yeeshaan gobollada Somaliland iyo Puntland,” ayay tiri warbixintu. Waxayna intaa ku dartay, in muddo ka yar sannad looga baahan yahay dawladda Sheekh Shariif sidii ay u cadayn lahayd awoodeeda la xiriirta inay fulin karaan adeegyada aasaasiga ah iyo inkale