Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Yaa Badalaya Ra'isal Wasaare Ina Cabdi Rashiid .. Magacyada Raga Ugu Cad Cad, Leelkase Ma Ku Jira?

Tuesday - September 21, 2010

Ina Cabdi Rashiid waa is casilay kadib markii Shariif Sakiin u waan waan ka dhex sameeyey labada dhinac ee muranka dhex yiilay, koleyba Shariif Sakiin waa uu ku guuleystay lobbyiskiisi in xaajadu ku dhamaato heshiis labada dhinacba raali galiya cawrada dawladana la asturto, waxaana warku sheegaya in Cumar Cabdi rashiid isagoo gunuunucaya qir iyo qir u ka gilgishay qoondaha quudka jeeniga Sagaarada ee labada malyan $ loo bandhigay, ugu dambeyn jajuub iyo garqaad lagu qanciyey inu xaal u qaato illa Sadex malyan doolar halka uu markii hore ku gorgortamay in lagu xaal mariyo Shan malyan oo dolar.

Jagada Raysal-wasaarinimada dawladda Federaalka ee Soomaaliya hadda wey banaantahay oo Shiikh Shariif sida laga sheegay waxuu yiri waan u talo iyo shawr badsanaya gudo iyo dibadna waan ka xulan ayaa laga soo tabiyey inu yiri, hasa ahaate waxaa la sheegaya in jagadaas ay rag badan hungreynaya oo durbaba xiriir sasabasho la soo sameeyeen shakhsiyaad ka agdhaw Shiikh Shariif, waxayna ragaas qaarkood soo gudbiyeen taariikh nololoodkoodi " Resume"

Xogta ay heshay shabakadaan Galdogob Times Oo saaka taleefon ku riday magaalada mogdisho ayaa lagu wargaliyey in rag ku sakhraansan jagadaas Raiisal-wasaaranimada ay madaxtooyada halawga taleefoon iyo fax-syo e-mail u soo dir dirayaan, oo inta badan ay qaarkood isku xoqayaan Shariif Sakiinka baarlamaanka oo ay bidayaan inu kaalin ka qaadanakro is-baarada magacaabista ninka noqonaya raiisal-wasaaraha. 

Raga carabka la hadal hayo oo loolamaya ayaa ka mida

1.Maxamed Cismaan Aadan(Edson)

Waa qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Kenya,waxaana uu qayb ka ahaa musharixiintii u sharaxnaa jagada madaxtinimo ee wadanka Soomaaliya doorashadii ka dhacday sanadkii 2009-kii wadanka Jabuuti oo lagu doortay Madaxweynaha hada ah ee Sheikh Shariif.

Edson ayaa waxaa uu qayb ka yahay ganacsatada Soomaaliyeed,waxaana uu ka baxay jaamacad ku taala wadanka Talyaaniga.

2.Nuuradiin Aadan Diiriye

Wuxuu xilligaan ku nool yahay dalka Ingiriiska,waxaana uu qayb ka ahaa musharixintii u tartamaysay xilka Madaxweynaha Puntland sanadkii 2009-ka. Nuuradiin waa aqoon yahan da’yar isla markaana dhalinyarada reer Puntland ugu yeeraan Obamaha Puntland, marka la eego aragtidiisa isbedelka ku dhisan. Waxa uu muddo dheer la soo shaqeyey hay’adaha caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya, isaga oo ugu danbeyntii ahaa la taliye ka tirsan hay’adda UNICEF, Nuuradiin ayaa wax ku bartey dalalka Hindiya iyo Ingriiska.

3.Maxamed Cabdirisaaq Abbokar

Ninkaan wuxuu kamid yahay howl-wadeenada Xafiiska Wakiilkii hore Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Axmedou Wald-Cabdalla, haddana waxuu la shaqeeya Mr. Mahiiga , waxaana dhalay Cabdirisaaq Maxamed Abuukar oo Dawladdii dhexe somaaliya mar ka ahaa Wasiirka Waxbarashada, kana mid ahaa golihii sare ee kacaanka .. Xilligaan wuxuu ku nool yahay dalka Maraykanka,halkaas oo uu ku dhameystay aqoontiisa heer jaamacadeed.

4.Muuse Macaliin Yuusuf

Wuxuu ka mid yahay Siyaasiyinta aadka u quudaraynaya in ay noqdaan Raysal-wasaaraha  ee Dawladda Federaalka,wuxuuna ku suganyahay dalka Uganda isagoo ka mid ah ganacsatada shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku yaalla halkaas .. Muuse Macalin oo leh aqoon heer jaamacadeed ayaa xilligaan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xogta ay warbaahintaanu heshay ayaa sheegaaya in afartaasi siyaasi ay ugu cad cadyahay siyaasiga lagu magacaabo Maxamed Cismaan Aadan "Edson" oo asxaab badan kuleh Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, lamase garanaayo sido labada shariif uga gadmaayo ma daama ay ninkaas horay ugu xaglin jireen Cabdulaahi Yuusuf.

Shaxdaan waxaa ay ku dhisan tahay haddii Madaxweyne Shiikh Shariif uu Raysal-wasaaraha ka baadigoobo shakhsi ka soo jeeda deegaanada Puntland, hasa yeeshe waxaa dhici karta in markaan uu degaano gobolo kale ka baadi goobo qofkii uu u magacaabi lahaa Raysalwasaare, oo inta badan la leeyahay wey dhici karta inu markaan jaangooyada noqoto beesha Sade iyado la odorasaayo in beesha Tanade/Leelkase aysan damac uga jirin madaxtinomo kursi-doon ma daama ay hankooda " ambition" uu ka hooseeyo qabaaiilada kale ee damaca leh, waxaana Reerku waa leelkase ay qaaliban door bidaan iney isku sanduleeyaan olole dadka kale sharaxaadooda ama wax la doonaan kuwa baaqoodi isu badalay reero Soomaali in la mooroduugo, sida Caydiid- Cabdiqaasim-Cabdulaahi Yuusuf- Shiikh Shariif iyo kuwa la mida, taaso dhaxalsiisey iney waayahaan dambe ku habsaamaan sheekada iyo shuushuuda falsafada wadaadka dhaga awdan Shiikh Daahir Aweys ee ka dhigtay shareecada u bawsaday wadadi lagu calemo saari lahaa madatinimada tolkiisa.