Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Baadarigi Kutubtaan Gubi Yiri Iyo Shacabki Mareykanka Oo U Hilaacay Bililigda Diinta Islaamka

Monday - September 20, 2010

Washintoon : ila iyo waqtigi baadariga mactabka xiran ee Kiristanka ah uu sheegay inuu tacadi sameynaayo gubayo kitaabka Quraanka ah oo laga joogo laba Isbuuc ayaa 500 qof oo mareykan ah ay diinta islaamka soo galeen oo ay muslimeen .. Maxamed Nasir oo mas,uul ka ah Xarunta islaamka ee magaalada washington ayaa sheegay inay diinta islaamka soo galeen 500 qof oo Mareykan ah,
 
Maxamed Nasir ayaa sheegay in meelaha ay dadkaasi kasoo Islaameen ay ka mid yihiin magaalooyinka Maryland & Virginia & Washington DC. Nasir ayaa sheegay in dadkaa soo islaamay ee Mareykanka ah ay isugu jiraan Rag & dumar da,dooduna ay kala duwan tahay,
 
Maxamed Nasir ayaa sheegay in Sababta ay dadkaasi goobahaa uga soo islaameen ay tahay iyagoo akhriya diinta islaamka iyo siirada Nabiga Maxamed (CSW). Nasir ayaa intaa ku daray in dadkaa ay ku jireen qaar diinta islaamka aad u neceb iyo qaar dhex dhexaad ahaa,
 
Robert Spencer oo ka mida dadka Mareykanka ah ee soo islaamay labadan Todobaad oo magaciisa la baxay iminka Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu si dhakhso ah u baran doono diinta islaamka isla markaana uu gaarsiin-doono caalamka Reer Galbeedka,
 
Dadka u dhashay wadamada Reer galbeedka ee diinta islaamka soo galaya ayaa la sheegayaa inay aad u badan yihiin isla markaana ay ku soconayaan xawaare aad u badan, Warbixintan ayaa sheegtay in 12 kii sanadood ee ugu danbeeyey dalka Mareykanka laga dhisay 1200 oo Masaajid taasoo u dhiganta in sanadkiiba laga dhisay Boqol masjid,
 
Arinta cajiibka ah ayaa ah in dadka Mareykanka ah ee soo islaama la sheegay inay noqdaan Ducaad iyo culimo waaweyn kadib marka ay diinta u bartaan sidii loogu talo galay isla markaana ay ugu dhaqmaan sidii loogu talo galay,
 
Morne Skrns oo ku sugan xarunta daraasadaha ee gobolka Virginia ayaa sheegay in sanad kasta 20 kun oo Mareykan ah ay soo galaan diinta islaamka intii ka danbeysay Weerarkii loo Aaneeyey muslimiinta ee 11/09/2001 ee lagu Qarxiyay daarihii dhaadheeraa ee New york,
 
Arinta dadkan iminka soo islaamay ee Mareykanka ah ee 500 qof ah ayaa ku timi Cadaadiskii uu diinta islaamka Saaray baadarigii Ku dooday inuu gubi doono Kitaabka Quraanka kariimka ah,