Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dawlada Sweden Oo Xerada Dhadhaab Kenya Ka Qaaday 300 Oo Qoys

Sunday - September 19, 2010

Dowladda Sweden, ayaa billowday in ay dib u dajin u sameyso 3 boqol oo qoys oo ku nool xeryaha qaxootiga Kenya.
20 qoys oo ka mid ah qoysaska 3da boqol ah ee ay dowladda Sweden sanadkii hore sheegtay in ay ka qaadi doonto xeryaha qaxootiga, ayaa shalay ka duulay garoonka caalamiga ah ee magaalada Nairobi.

Max’ed Amiin Wacdar oo ka mid ah dadka laga qaadayey xeryaha qaxootiga ayaa wargeysyada u sheegay in dadka la qaadayo ay ku jiraan 10 qof oo cuuryaamiin ah iyo dad qaba xannuuno wax looga qaban waayey dalkaan Kenya.

Max’ed Amiin, ayaa sheegay in qoysaskaan ay hora dhaca u yihiin qoysas dhawaan laga qaadi doono xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ay ku jiraan qoysas xeryaha daganaa muddo ku dhaw 20 sano.

Sida la ogyahay Dowladda Sweden ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday in ay 3 boqol qoys oo qaxooti ah qaadi doonto kadib markii madaxda hay’adda qaxootiga u qaabilsan Q.M ee UNHCR Mr. Antoni Gutares uu wadamada caalamka ka codsaday in dib u dajin loo sameeyo qaxootiga Dhadhaab.