Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Qorshe Uu Watay Axmed Cabdi-Salaam Oo Fashilmay

Sunday - September 19, 2010

Xigasho Wirwir .com : Shabakadda Islaamiga ee warbaahinta somalimemo ayaa faah faahin dheeri ah ka heshay qaabka loola wareegay Idaacadda Hornafrik oo kamid ahayd warbaahinta ugu caansan magaalada Muqdisho

Xalay fiidkii ayay xoogag hubaysan gudaha u galeen xarunta Hornafrik oo ku taal suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho oo ay Islaamiyiinta maamulaan.

Sida ay sheegayaan wararka aan helayno maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay Shaqaalaha Idaacadda iyo Maamulka kaasi oo ku aadanaa booska ay Idaacaddu ku shaqaynayso.

Wasiirka Amaanka DKMG-ka Axmed Cabdi Salaan ayaa dalbaday in Idaacadda iyo TV-ga Hornafrik loo raro deegaan ay maamulaan AMISOM iyo DKMG ah si looga baahiyo Warar ka hiilinaya Xoogaga Mujaahidiinta ee Shabaab iyo Xisbul Islaami islamarkaana uu u helo dhaqaalihii BBC iyo VOA ee Shabaabul Mujaahidiin ka joojisay.

Sida aan wararka ku helayno shaqaalaha Idaacadda ayaa aad u diiday in Idaacadda Hornafrik ay marto wadadii Shabelle martay waxayna xariir la sameeyeen Garab kamid ah Garabyadii lahaa Idaacadda.

Hornafrik oo muddo 10-sana ah xoog ku haysatay dhegaha Shacabka Muqdisho ayaa caan ku ahayd baahinta Barnaamijyo iyo Warar aan sal fadhiya lahayn oo ay dadku u sheegi jirtay.

Wararka aan helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Idaacadda maalinimadii Jimcaha ay xireen qaar katirsan Howlwadeenada oo lagu eedaynayo in ay dhaqaale lunsadeen sida C/qaadir Jiirow iyo Cali Maxamed Guutaale oo safar deg deg ah ugu amba baxay Hargaysa.

Maamulka Idaacadda ayaa muddo bila ah aan bixin Mushaaraadkii shaqaalaha xataa wuxuu bixin waayay Kirada iyo Mushaarkii Gabdhaha Nadaafadda ka shaqeeya.

Milkiilayaasha Idaacada ayaa kala ahaa Cali Iimaan Sharmaake oo dhintay,Axmed Cabdi Salaam iyo Nin Dulcadde ladhaho oo Canada degan.

Waxaa dhacday in Biilkii laga jartay caruurtii Cali Iimaan Sharmaake oo saamilayda kamid ahaa taasi oo sababtay in ay xanaaqaan Qoyska Cali Iimaan Sharmaake.

Ciidan hubaysan oo ay wateen garab kamid ah milkiilayaasha idaacadda ayaa lategay qalabkii Idaacadda waxayna warbaahinta Cadawga siiyeen war ah In Idaacadii Shabaab qaatay si ay u xalaashadaan idaacadda.

Warar kale oo lagu kalsoonyahay ayaa iyana sheegaya in Ugaaska Beesha Milkiilayaasha Idaacadda leh uu go'aamiyay in Sedaxda Milkiile ay kala qaataan Capital Vioce,Hornafrik FM iyo TV-ga sidaasna lagusoo gaba gabeeyo Murunka jira waxaase muuqata in hal dhinac uu isla gediyay qalabkii Idaacadda.