Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Hooyo Oo Qudha Ka Jartay Laba Wiil Ay Dhashay, Dhaawacday Gabadhi Sadexaad

Sunday - September 19, 2010

Hooyo u dhalatay dalka Urdun ee Carbeed ayaa maanta qudha ka jartay laba Caruura oo ay dhashay halka mid sadexaadna ay dhaawacday, Hooyadaa oo uu qabay nin u dhashay dalka Masar.

Jariirada Electronic ee kasoo baxda dalka URDUN ayaa sheegtay in Hooyadaasi ay saaka Subaxnimadii hore ay toosisay caruurteeda oo huruda. Hooyadaa oo sidata Midi ayaa markiiba dishay wiilkii ugu weynaa caruurteeda oo lagu magacaabi jiray Maxamed oo 11 jir ahaa iyadoo ku xigsiisay Wiilkii labaad oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan oo 6 jir ahaa.

Hooyadaa ayaa doonaysay inay Raaciso oo ay disho gabadha ay dhashay oo lagu magacaabo Raxma oo sagaal jir ah. Laakiin gabadhaa yar ayaa markii ay aragtay sida ay hooyadeed wax ku wado isla markaana ay dishay labadii wiil ee ay walaalaha ahaayeen ayaa ka baxsatay kana dhuumatay iyadoo gaarsiisay dhaawac sahlan,
 
Hooyadaa ayaa markii ay caruurtaa xasuuqday ninkeedii Telefoon u dirtay isla markaana u sheegtay falkaa foosha xun ee ay sameysay, Hooyadaa ayaa doonaysay inay iyaduna is disho laakiin waxaa laga soo gaaray iyadoo midiyo isku dhufatay laakiin aan dhiman,
 
Aabaha Caruurtaa dhalay oo u dhashay dalka Masar oo shoog qaaday ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisu aanay waligood is qaban ama aanuu khilaaf ka dhaxayn isla markaana ay gabadhaasi ay caafimaad qabtay oo aanuu ku arag wax maskax xanuun ah,
 
Booliska dalka URDUN iyo safaarada dalka Masar ayaa baaraya falkaa iyo sababta keentay in hooyadaasi ay xasuuqaa u geysato Caruurtii ay iyadu dhashay,
 
Barkhad Cabdillaahi Maxamed -- SWEDEN