Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wa Barnaamijki Sh.Shuceyb Maanta U Furdaaminaayo Cali Asad "15-ka Ciqaab Ay Leedahay Salaad La'anta

Thursday - September 23, 2010

Waa Barnaamijki Casharkii Maalin Walba Jimcaha Ee U Ku Caan Baxay Furdaamintiisa Mu'dinki Xaq Sheega Al- Digtoor Caalim Shiikh Shuceyb .. hadaba Maanta Waxaa Casharka Qaatay Soona Gudbiyey Shiikh Cali Ismaaciil " Cali Asad" Cinwaanka Casharka Waa .. "Qofkii Salaada Ka Taga Waxuu Leeyahay 15 Ciqaabood" 

                                 ----------------------------------------------------------------------- 

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------                                 

Qofkii Salaada Ka Taga Waxuu Leeyahay 15 Ciqaabood:

Xadiis saxiix ah oo Nabbi Muhammad laga wariyay (SCW) ayaa wuxuu leeyahay sidan: Qofka ka tagaa salaada wuxuu leeyahay 15 ciqaabood

Xadiis saxiix ah oo Nabbi Muhammad laga wariyay (SCW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Qofka ka tagaa salaada wuxuu leeyahay 15 ciqaabood.

* Lix ciqaabood nolosha ayuu ku muteystaa
* Sadex marka uu dhinto
* Sadex marka qabriga lagaliyo
* Sadexna maalinta qiyaamaha

Lixda nolosha

1. Cimrigiisa ma barakeysmo noloshiisa waa mid nasiib xun

2. Ducadiisa aqbal ma aha

3. Wajigiisa waa laga tirtiraa astaanta dadka fiican

4. Waxaa lagu ciqaabayaa waxkasta oo illaah abuurey

5. Ajarka fiican uu sameeyo ma laha

6. Ma lagu daro ducada dadka fiican

Sadexda ciqaabood marka uu dhinto

1. Wuxuu dhintaa asaga oo ceeboobey
2. Wuxuu dhintaa asaga oo baaheysan
3. Wuxuu dhintaa isagoo oon(Haraad) hayo, haddii uu biyaha badaha oo dhan cabo oon ka bi´i maayo

Sadexda ciqaabood ee QABRIGA

1. Allaah wuxuu isku ciriiriyaa feerihiisa illaa ay midba mid ka kormarto
2. Waxaa lagu shubaa korkiisa dab
3. Waxaa uu Allaah u soo diraa mas qaniinaya oo la yiraahdo "geesi" kaas oo qaniina subaxii ilaa duhurka katagida salaad subax owgeed, duhurkii illaa casar ka tagida salaada duhur owgeed s ida oo kale ayey salaad walba socon. markii uu halmar qaniino wuxuu qofka dhulka hoos u  galay aa 70 yards.

Sadexda maalinta QIYAAMAHA

1. Allaah wuxuu usoo diraa qof raaca oo cadaabta ugu jiida wajigiisa

2. Allaah wuxuu ku fiiriya caro oo wajigiisa hilibka ayaa ka dhaca carada rabigiisa darteed

3. Allaah wuxuu ku xukumaa xukun adag oo waxaa lagu tuuraa cadaabta.

Kuwa aan salaada tukan:-

Subax: Nuurka wajigooda waa laga qaadaa

DUHUR: ajarka fiican ee Maalkooda waa laga qaadaa

Casar: xooga jidhkooda waa laga qaadaa

Maqrib: ciyaalkood ka ma aflaxaan

Cishaha: nabada jiifkooda waa laga qaadaa

Wabillaahi Tawfiiq. ---- Ali Ismail Osman(Ali Asad)