Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madaxweynaha Ugandha Mr. Museveni Oo Ugu Baaqay Shiikha Qof Raba Jirin Inusan Noqon Seef La Bood

Friday - September 17, 2010

Nairob - Mogadisho - Kambala : Warar naga soo gaaray ilo kala duwan oo rasmi ahaantooda si fiican nalo ku xaqiijin ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Shiikh Shariif looga yeeray dalka Ugandha si halkaas loogu sheego fariinta amse message-ka Qaramada Midoobay ay ka qabto ololaha muranka murugada leh ee ka dhex taagan dhamaan xubnihi dawlada Somaaliya oo sababtay in hawlgaladi ciidamada UNISOM mixnad gasho, iyadoo la aaminsanyahay in dhaqdhaqaaqi xarakada Al-shabaab ay mashxarad u tahay is qab qabsiga madaxdaas dawlada.

Sida xogta ay sheegeyso masuulliinta UN-ka ka hawlgala Somaaliya ayaa si xun uga gaws-haysta xag-xagashada iyo tafaraaruqa siyaasadeed u ka wado Shiikh Shariif maamulka dawladiisa ee uu ku doonaayo inu ku majaxaabiyo raisal wasaaraha ina Cabdi-rashiid, waxayna taas keentay in Secrateriga UN-ka Mr.Banki Moon u la xariiray madaxweyne Museveni si ugu sheego Shiikh Shariif inu joojiyo dibin miiqa iyo dirirta casilaada raiisal wasaaraha, waxaana warku intaa raaciyey in Shiikh Shariif lagu wargaliyey in diidmadiisa ama ka tala baxa nasteexa UN-ka ay kula soo darsi-doonto khasaaro culus oo saameyn ku yeelan karto kharajka ku baxa ciidamada ilaaliya nabada Soomaaliya iyo gaar ahaan gunooyinka kaashka ay siyaan maamulka .. hindisaha UN-ka ayaa u qorsheysan in kabta iyo xaarkeeda lays la tuuro 

Warka ayaa intaa raacinaaya in madaxweyne Shiikh Shariif warka intiisa badan ku qancay hasa yeeshe u dhinaciisa hadalkiisi taraawiixdo kale ahaa u ku soo jeediyey in UN-ka iyo beesha caalamka Qofkii ay ku taliyaan uu magacaabi-doono aan ka ahayn Cumar Cabdi-rashiid oo u ku tilmaamay inu ku noqday nin amuum ah oo daba fur fur ku sameeya, hawshina ka wadi la'yahay, waxuuna carabka ku dhuftay in mid kale hawsha ku baraarugsan la tijaabiyo, hasa ahaate madaxweyne Museveni kama akhrisan sharaxaadi u shubay Shiikh Shariif oo waxuu ka codsaday inu maankiisa la kaashado talooyinka la siiyey waxtarka ah oo isa saxo .. Shiikh Shariif oo maya iyo haa jawaab siin kari waayey ugu dambeysti yiri ha la ii ogolaado inaan la tashi la sameeyo la taliyaasheyda Mogdisho ku sugan.

Shiikh Shariif ayaa la sheegay sida qorshahu yahay inu Mogdisho ku soo laabto galabta, dabadeed warbixin siiyo gurubadiisa hoos yaaca ee colaada iyo miineynta qaranka u tiraabaya, lamase carbaabin Shariifku iyo kooxdiisu waxay ka yeeli-doonaan fariinta beesha caalamka.

Dhinaca kale kooxo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ayaa wad wada heshiisin dhex marta labada dhinac ee biyaha hoostooda iska haraatinaaya oo la joojiyo xarig kala jiidashada dhinacyada is haya, talaabadaasna sida la soo tabinaayo Shiikh Shariif ayaa diidan colaada in la soo af jaro oo aan dan ka lahayn siigada kor u sii duuleysa.

Fiiro gaara Warkaan waxaan ka xiganay oday degan magaalada kambala oo sheekadan ka soo xigtay dipolomaasi Somaaliyeed ee ku sugan Dalka Ugaandha oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, sidaa daraadeed run iyo been mid uun ku suga